23rd October 2024  admin  Category :

Daaweyn bilash ah oo loo sameeyey Dadkii ay abartu ku saamaysay G. Sanaag

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa hay’adda TASS ayaa daaweyn bilaash ah oo loo samaynayo dadkii abaartu saamaysay ka bilowday gobolka Sanaag .
Ololaha daryeel caafimaad ee lacag la’aanta ah ayaa socon doonta muddo sadex bilood ah , waxana la rajeynayaa iney ka faaiideysan doonaan dadkii abaaruhu saameeyeen ee u badan reer guuraaga iyo tuulooyinka aan haysan adeegyada caafimaad.

Drs. Amaal Ibraahim oo ah Isu duwaha Caafimaadka gobolka Sanaag ayaa sheegtay iney jiraan cuduro badan oo la socdey abaarta , taasoo xog ururin wasaaradu samaysay lagu ogaadey cuduradan baahsan loona diyaariyey daryeelkan lacag la’aanta oo mudo sadex bilood ah soconaysa.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Hon. Maxamuud Ciyoon ayaa u mahad celiyey Wasaarada Caafimadka iyo hay’adda TASS ee ololaha caafimaad ka bilaabay gobolka , kuna tilmaamay in baahi weyn loo qabey shaqan .

Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah gobollada ay saamaynta weyn ku yeelatay abaartu , taasoo dad , duunyo iyo degaanba si weyn wax gaadhsiisay.

Xaquuqda qoraalkan Gudoonka Gobolka Sanaag, Puntland

Image may contain: 1 person, standing, tree and outdoor

No automatic alt text available.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, dog and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, mountain, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, outdoor and nature

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person

Image may contain: sky, outdoor and nature

No automatic alt text available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*