28th November 2024 admin Category :
Hadalkii Ilhaan Cumar ee muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dood ka abuuray Mareykanka
Xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo Congraess-ka ku matasha gobolka Minnesota inay is casisho kadib khudbad ay ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis.
Ilhaan Cumar oo 27-kii bishan hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri: “Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”
Arrintan ayaa dood ka dhalisay gudaha Mareykanka, iyadoo dadka cambaareeyay hadalkeeda ay ku tilmaameen inay danaha Soomaaliya ka hormarisay kuwa Mareykanka.
Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.
Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayay gaar ahaan hadal loo tarjumay sidan: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”
Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri Ilhaan.
Dhanka kale, xukuumadda Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadalkan ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar.
Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.
Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.
Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii “Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.”
Sidoo kale xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo iyadana xisbiga Jamhuuriga ka tirsan ayaa Ilhaan ku eedeysay inay wacad ku martay difaaca xudduudaha Soomaaliya halka ay kasoo horjeesatay dadaallada lagu ilaalinayo xadka Mareykanka iyo Mexico.
Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse weli dunida lagama aqoonsana.
Waxay ahayd 1-dii bishan markii heshiis is-afgarad ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ku aaddanaa in Itoobiya ay isticmaasho Badda Cas, iyadoo looga beddelanayo inay aqoonsato Somaliland.
Arrintan ayaa xiisad ka abuurtay Geeska Afrika, iyadoo madaxda Soomaaliya ay sheegeen inaysan marnaba aqbaleyn in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya uu qaato dal kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa yiri: “Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego in ay is dejiyaan, waxaan rabaa in aan u caddeeyo in ay naga go’an tahay in aan difaacno dalkeena. Dhulkeena, baddeena iyo hawadeena, qayb ka mid ah laguma xad gudbi karo, si kasta oo sharci ahna waanu u difaacaynaa. Waxaanan hubaa anagoo kaashanayna shacabkeena hadii ay joogaan waqooyi iyo hadday Koonfur joogaanba inaan awoodno inaan dalkeena difaacanno”. Ayuu yiri.
Muxuu helitaanka dekad uga dhigan yahay Itoobiya?
Ka shaqeynta ama helintaanka 20km oo xeebta ah ayaa laga yaabaa in aanay u ekaan wax weyn laakiin Itoobiya oo aan bad lahayn, helitaanka dekedd waxay muhiim u tahay badbaadadeeda dhaqaale. Waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn xeeb, tani waxay soo bandhigaysaa caqabado muuqda oo dhinaca koboca waddanka ah.
In ka badan 95% ganacsiga caalamiga ah ee Itoobiya waxa uu ku tiirsan yahay dalka deriska ah ee Jabuuti, kaas oo leh 31km oo xeeb ah. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay baahida dalkiisa ee helitaanka deked dheeraad ah arrin “muhiim ah”, wuxuuna ku dooday khudbad uu ka jeediyay telefishinka bishii Oktoobar ee sannadkii hore in dekedda Badda Cas ay lagama maarmaan tahay in ay 120 milyan oo muwaadiniin ah ka saarto “xabsiga dhuleed”
Ganacsigu ma noqon karo halkaas qodob oo kaliya. Dalku waxa uu ahaan jiray quwad baddeed oo leh laba dekedood oo kala ah Massawa iyo Assab. Hase yeeshee Itoobiya waxay dhulkaas xeebaha ah ku wayday markii ay Eritrea ka go’day oo ay noqotay dal cusub 1993-kii.