18th October 2024  admin  Category :

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay in kooxdu ay ku wee

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay in kooxdu ay ku weerartay magaalada loo dalxiis tago ee Eilat ee ku taal badda cas ee Israa’iil “raxan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta – oo xukunka la wareegay sagaal sano ka hor – kuwaas oo shaaca ka qaaday inay taageersan yihiin Xamaas oo sheegay inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta u safraya Israa’iil.

Badda Cas waa marinka ugu muhiimsan adduunka ee la marsiiyo shixnadahashidaalka.

Saaka ayaa ciidamada difaaca cirka ee Masar waxa ay ku soo rideen diyaarad laga shakisan yahay in ay tahay nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka meel u dhaw magaalo xeebeedka Dahab ee badda cas.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps, ayaa sheegay in Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee Royal uu kusoo ridey badda cas diyaarad laga shakisan oo drone ah. Waxa uu sheegay in sirdoonku ay sheegeen in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsanaysay doomaha ganacsiga.

Shalay ayay ahayd markii laba shirkadood oo waaweyn oo kuwa maraakiibta ah ay hakiyeen badmaaxiintii aaggaas sababo la xiriira weeraro isdaba joog ah oo ay fuliyeen Xuutiyiinta.Article share tools

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta – oo xukunka la wareegay sagaal sano ka hor – kuwaas oo shaaca ka qaaday inay taageersan yihiin Xamaas oo sheegay inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta u safraya Israa’iil.

Badda Cas waa marinka ugu muhiimsan adduunka ee la marsiiyo shixnadahashidaalka.

Saaka ayaa ciidamada difaaca cirka ee Masar waxa ay ku soo rideen diyaarad laga shakisan yahay in ay tahay nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka meel u dhaw magaalo xeebeedka Dahab ee badda cas.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps, ayaa sheegay in Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee Royal uu kusoo ridey badda cas diyaarad laga shakisan oo drone ah. Waxa uu sheegay in sirdoonku ay sheegeen in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsanaysay doomaha ganacsiga.

Shalay ayay ahayd markii laba shirkadood oo waaweyn oo kuwa maraakiibta ah ay hakiyeen badmaaxiintii aaggaas sababo la xiriira weeraro isdaba joog ah oo ay fuliyeen Xuutiyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*