18th October 2024  admin  Category :

Wasiir Israa’iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Wasiir cusub oo dowladda Israa’iil ka tirsan ayaa laga joojiyay dhammaanba kulamada dowladda ilaa amar dambe, kadib markii uu soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa “ay ka mid ahayd waxyaabaha suurtogalka ah”.

Amihai Eliyahu, oo ah wasiirka dhaqanka ee dalkaas, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay raadiyaha Kol Beramah.

Wuxuu sheegay “inaysan jirin kuwo aan dagaal ku jirin oo Qasa jooga” isla markaana in gargaar bani’aadannimo oo la siiyo rayidka Falastiiniyiinta ay ka dhignaan doonto “guuldarro”.

Mar wax laga weydiiyay in taasi micnaheedu uu yahay in sabab looga dhigi karo adeegsiga nukliyeerka, ayuusan wasiirku ka jawaabin.

Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa degdeg uga falceliyay, isagoo sheegay in warka wasiirka uu ka fog yahay xaqiiqda.

Eliyahu, oo ka tirsan xisbiga midig-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yahuudda), ayaanan wax door ah ku lahayn dagaalka ka socda Qasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*