3rd October 2024  admin  Category :

Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah wasiirada dalkaasi oo sida la sheegay uu ilaalo u ahaa.

Charles Okello Engola oo ahaa wasiir ku xigeenka jinsiga iyo shaqada, sidokalana ahaa sargaal ciidan oo howlgab ah, ayaa lagu toogtay gudaha gurigiisa subaxnimadii hore ee saaka.

Afhayeenka Baarlamaanka Uganda ayaa xaqiijiyay geerida Col Engola xilli uu shir guddoominayay fadhigii Baarlamaanka ee saaka.

Sidokale, Fred Enanga oo u hadlay booliska Uganda, ayaa sheegay in wasiirka lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla duleedka magaalada caasimada ah ee Kampala.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta Uganda u sheegay in daqiiqado ka dib markii Askarigaan uu toogtay Wasiirka uu goobta isaga baxsadayisaga isaga oo rasaas hawada u ridaya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Askarigan dilka geystay uu dhaawacay  tiro dad ah oo isugu jira kuwa guriga uu falka ka dhacay ku sugnaa iyo kuwa banaankiisa joogay.

Engola, oo ahaa Gashaanle sare oo jagooyin dhawr ah ka so qabtay hoggaanka ciidanka dalkiisa, ayaa sidoo kale horay u soo noqday wasiir ku xigeenkii wasarradda gaashaandhigga Uganda, haddana waxuu ahaa wasiir ku xigeenka Jinsiga iyo Shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*