25th October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo Raisul wasaare u Magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa magcbaay Ra’iisul wasaarihiisa cusub kaddib wadatashiyo uu la sameyey qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Magcaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaa joob-joog ka ahaa guddoomiyaha  golaha shacabka Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana magcaabidda Akhriyey Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Soomaaliya  Cali Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka laga saaro xaaladda uu ku sugan yahay, lana dhiso dowladdii shacabka ay u baahnaayeen, sidaas darteedna uu Xasan Cali Kheyre  u magcaabay Ra’iisul wasaraha Jamhuuriyadda, sidoo kale waxa uu ka codsaday Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kalsoonooda siiyaan, si dalka loo gaarsiiyo  horumar, loona dhiso dowladnimada Soomaaliyeed.

ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha la magcaabay, Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda  xilka uu u magcaabay, sidoo kale waxa uu  tilmaamay in si dhaqsa ah uu ku soo dhisi doono  dowladda shacbiga ka turjumeysa haddii uu helo  kalsoonida Barlamaanka.

raisul wasaareRaisul Wasaare1raisul wasarekheyre

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*