20th September 2024  admin  Category :

Bulshada reer Sannaag waxa ay ahaan jireen bulsho taariikh wannaagsan kullahaa bulshada Soomaaliyeed oo la xisaabsado. Waxaad maanta maqlaysaa iyada oo laleeyahay waxaynu laheen Saldanad fac wayn, waa run, xiligaa ragii joogay waxay ahaayeen kuwo doorkoodii ka soobaxay, waxaase loobaahnaa in maanta raga joogaa ay wacyiga lagujiro iyo xaallada lagu jiro ay tahay in ay ulla dhaqmaan sida ay maanta ay usocoto, hadday noqon laheed isbadalka siyaasadeed, horumarineed ee kasocda dalka Soomaliya.

Kalmad ayaa waxay oranaysaa ‘waxaas baan ahaan jirnay, maxaynu nahay maanta baa dhaanta’ mar hadii waqtigii hore lasoo dhaafay bulshada waxaa lagudboon in lasaxo wixii khaldamay. Waxa ugu wayn ee lummayna waxa ay tahay midnimadii iyo kaladanbayntii

Midnimada oo ah mida maanta ay wadamada reer galbeedka ah ay ku dhaafeen caalamka intiisa badan ayaa waxay usahashay in ay adduunka ku amarkutaagleeyaan.

China, oo ah dad kabadan hal bilyan, waxa looburburin waayay oo halka maanta ay marayaan u sahlay midnimo iyo isku duubni. Waxaase layaab leh bulshada reer sannaag oo ah dad hal qabiil ah aad arkeeso in jilibyo, jifi, reer hoosaad ay mareeso arrintii.

Waxaa aad arkaysaa Isimo farabadan oo iyagu ay ula ekoonaatay, kana tilaabsaday midnimadii shacabka gobolka iyo danaha deegaanka. Waxaad arkeesaa kuwo katirsan maamulka Puntland, Somaliland iyo dowlada kumeelgaarka ah ee muqdisho, deegaanda ay ka soo jeeddaan dadkaas malaha wax maamul ah waxa ayna joogaan oo ay wax ka maamulayaan dad iyaguba qabiil lamid ah maamulo ay samaysteen, taas waxaa sii dheer in ay eedaynayaan dad kale maalin walba.

Miyayse illaaween in maanta Soomaali ay is kabo la’egtahay oo maamulwalba uu adduunka dambiil uu lawareegayo oo mid walbana uu hellayo wixii loogu soo rido, marka ma muuqato in qofkale sabab loo hoostago, bini aadamkana waxay hellayaan waxay gacmahooda ay kasbadaan, haddii dulli ay doortaan dulli bay kudanbeen

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*