20th September 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Puntland ee laga soo doorto G. Sool oo ka aamusan xasuuqa gobolkooda.

Inta badan bulshada reer Puntland iyo guud ahaan Soomaalidu, waxay aaminsan yihiin in hogaanka Puntland uu yahay Hagbad ay sadex reer oo Majeerteen ah ay isu dhiib dhiibaan oo haddii midkood waayo markooda uu dagaal ka xigo, sida hadda Shire Abgaal oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud uu ka wado gobolka Nugaal isaga oo diidan doorashada jal qof iyo hal cod oo doonaya inay hagbadda markooda helaan

Xaqiiqdu sidan waa ka duwan tahay oo waxa jira 17 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante iyo 11 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Warsangeli, oo aan iyagu u tartamin hogaanka Puntland, hase ahaatee u kala codeeya siyaasiyiinta Majeerteen ee doonaya inay hogaanka Puntland qabtaan.

Marka ugu danbaysa ee ay dhacayso doorashada Puntland ee lagu dooranayo madaxweynaha, 28 xildhibaan ee ka soo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Sool ayaa qofka ka qosliya subaxda hore ee bisha kowaad ay sideed tahay siiya codkoodda, sidaas ayuuna madaxweynaha Puntland ku noqdaa,

Maalintaa ay madaxweynaha doortaan wixii ka danbeeya maaha kuwa muuqda ama la xisaabtama madaxweynaha ay doorteen, waxa ku jira qaar xildhibaan ahaa maalintii Laascaanood la qabsaday, oo ilaa hadda sidaas u shaqaysanaya

Hadaba waxa is waydiin mudan xildhibaanadi waxay baarlamaanka Puntland ku metalaan bulshada beelahooda ama gobladooda, inay noloshooda sida ay maanta y\yihiin si dhaanta ay ka dhigaan oo la qaybsadaan dhibta haysta, un noqdaan afhayeeno xaalkooga gaarsiiya Soomaalida iyo caalamkaba

Shacabka Gobolka Sool, maanta waxa ku socda xasuuq iyo duqayn waxayna ku leeyihiin xildhibaano baarlamaanka Puntland, waana ka aamusan yihiin dhibta ku dhacaysa dadkooda.

Ugu danbayntii Xildhibanada beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante ee Baarlamaanka Puntland waxaan leenahay xildhibaano uma tihidin oo qura subaxda hore ee bisha Janaury ee aad musuqmaasaqa ku dooranaysaan madaxweynaha Puntland, dad iyo degaan ayaad ku meteshaan baarlamaanka Puntland.

Degaankaas waxa ka mid ah gobolka Sool oo duqayn iyo xasuuq ka socdo ee haddad u damqanaysaan bulshadaas waa inaad Mooshin ka keentaan sababta maamulka Puntland uu shacabka Sool ee aan hubaysnayn ay ugu daawanayaan argagixisada SNM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*