20th September 2024  admin  Category :

Maxay qabteen oo ay isugu abaal marinayaan aa kahayn inay HAG u shaqeeyaan

Xilka ugu sareeya ee Dawladdaa federaalka ayaa beesha Daarood waxa ka haya Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamse Abdi Bare iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal.

Labadan Hogaamiye ayaa ka soo kale jeeda beelaha Leelkase iyo Ogaadeen ee Beelwaynta Daarood, inkastoo RW Xamze wax qabad iyo metelaad beeleed lahayn , uuna u adeego madaxweynihii soo korsaday hadana u magcaabay Ra’isulwasaaraha isagu weli kama bixin beeshii uu kursigeeda ku fadhiyeyee uu ku abtirsado.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal,iyadu isbahaysi Beeleed cusub ayeey samaysatay oo isku xiraya Galdogob iyo Hiiraan, inkastoo markii horeba caddalad xumo ahayd in sadex wasiir oo hal beel ka soo wada jeeda ay hal wasaarad isaga danbeeyaan oo shaqaalihii kii hore keenay loo arko inuu reerka yahay oo aan xilka laga qaadin ama laga bedelin ayaa hadda waxay khatar ku sii tahay, iyada oo adeegsanaysay siyaasiyiin ka so jeeda gobolka Hiiraan inay joojiso qandaraasyo badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo shirkadihii siiyey ay ku faraxsan yihiin shaqadooda.

Ugu danbayntii, Garaad Wiil waal wuxuu yidhi “Maxay ku Nuugtaa, Maxayse Ka Nuugtaa? haddaba waxa is waydiin mudan maxay Xamze iyo Fardowsa isaga abaal marinyaan oo ay u qabteen Dadkii iyo Degaankii ay magacooda ku joogeen dawladda Federaalka. Waa nasiib daro in maanta Xasan Culusoow iyo Damuljadiid, iyaga oo aamninsan inay M. Farmaajo beel ahaan uga adkaadeen inaynu raali ka noqono in dad Marani ay magaceena Muqdisho ku joogaan oo inoo hoosasiyaan kuwa dawladdii Soomaaliyeed u haysta inta u dhaxaysa Baraxleey, Gaalkacayo ilaa Muqdisho

ALLSANAAG.CM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*