20th September 2024  admin  Category :

Wafti ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo khadiija Maxamed Al Makhsuumi oo ay qeyb ka ahaayen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Siciid Maxamed Cali iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxaxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaradda Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Mudane Ceydiid Saleebaan Xaashi, Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Deeganka Jubbaland Maxamed Cabdinuur Beerxaani, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.

Intaas kadib Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa wafdiga ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan ku wada yeesheen. Sidoo kale waftiga ayaa waxa ay kormer ku tageen Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland iyago u kuurglayey howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*