22nd September 2024  admin  Category :

Sidee ayay raggan ugu bareereen safar layaab leh oo ah Afrika ilaa Yurub?

Dowladda Spain ayaa sheegtay in saddex nin ay ku daba dhegeen Markab hoostiis kaddib safr qaatay 11 maalmood oo ay ka soo billaabeen Nigeria.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya raggan oo ku fadhiya sagxadda hoose ee markabkan oo shidaalka qaada, iyadoo cagahoodu ay wax ka yar hal mitir u jiraan biyaha.

Waxaa markii dambe loo qaaday isbitaalka iyagoo laga daweeyay fuuq-bax ku dhacay.

Ma cadda sababta ay safarkooda oo idin ugu qaateen markabka hoostiisa.

Markabkan oo laga leeyahay jasiiradda Malta laguna magacaabo Althini II ayaa tegay magaalada Las Palmas, Gran Canaria, isagoo ka soo tegay magaalada Lagos ee dalka Nigeria – safarkaas ayaa qaatay wax ka badan 2,700 oo meyl – sida laga soo xigtay xogta baraha la socodka badaha.

Ma aha markii ugu horreysay ee la arko dad ku dhuumanaya sagxadda hoose ee markabka, oo ah meel ballaaran.

Wiil 14 jir ah oo sanadkii 2020 ka soo safray Lagos ilaa Gran Canaria ayaa wargeyska El Pais u sheegay in safarkiisa oo idil oo 15 maalmood qaatay u uku hoos jiray sagxadda mar qaada shidaalka.

Markii uu yimid ayaa isbitaal la dhigay, wuxuu quudanayay biyaha cusbada leh ee badda isagoo seexanayay meel god ah oo ka sagxadda korkeeda ku taalla.

Ragga safarka ay isla soo galeen ayaa yiri “Annagu aad ayaan daciif u ahayn. Ma moodeyn wleigeen in wiilkan uu sidan u ad adag yahay.” Ayuu yiri.

Tahriibka

Dhacdo kale oo isla sanadkaas dhacday, afar nin ayaa laga helay sagxadda markabk qaada shidaalka oo Norway laga leeyahay, laguna magacaabo Champion Pula, kaddib markii uu ka soo safray Lagos ilaa Las Palmas.

Wararka ayaa markaas sheegayay in raggan ay isku qariyeen gudaha hal qol oo ka dabeeya sagxadda ayna 10 maalmood badda ku jireen.

Tirada muhaajiriinta badda soo maraya ee ka imaanaya Galbeedka Afrika ee gaaraya jasiiradda Canary ee Spain ayaa kordhayay sanadihii la soo dhaafay.

Safarku waa dheer yahay, waana mid dhib badan oo halis ah.

Sanadkii 2021, Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa diwaan geliyay 1,532 dhimasho oo ka dhalatay tahriibka badda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*