25th October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo la tliyihiisa  dhinaca amniga u magcaabay la taliyihii Culusoow ee dhinaca amniga

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta xafiiska la wareegay ayaa magacaabay xilal kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa La Taliyihiisa Amniga Qaranka u magacawday Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka, mas’uulkaan la magacaabay ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir. Kana soo jeeda Beesha Murursade ee Hawiye,

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Cali Saciid Faqi oo ka soo jeeda beesha Tunni, Digil iyo Mirifle u magcaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Siyaad Maxamuud Shire  oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante, ayaa isagana    si KMG ah loogu magcaabay  Madaxa Hab Maamuuska ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*