18th October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baxdo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Garoowe.

Weftiga Guddoomiyaha waxaa Garoonka Aadan Cade kasoo sagootiyey Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo saraakiil kale, kuwaas oo ay kamid yihiin Xild. Cabdiladiif Muuse (Sanyare) & Xild. Sahra Cabdullaahi Cigaal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Muqdisho kaga qayb galay furitaankii labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda sare ee Qaranka sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*