29th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee waxa magaalada Garowe hadda ku geeriyooday Garaadkii Beelaha Harti, kana mid ahaa asaasayashii Puntland, Isimada Daarood iyo Isimada beesha Dhulbahante Garaad Saleebaan Graad Maxamed.

Garaad Saleeban Garaad Maxamuud, ayaa goor dhaweyd ku geeryooday magaalada Garowe . Allah ha u naxariistee Garaadka, ayaa mudooyinkii danbe xanuun la ildarnaa’

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii qaraabadii, Shacabka Soomaaliyeed, Puntland iyo guud ahaan bulshada Reer Khaatumo ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Garaad Saleebaan, oo manta ku geeriyooday magaalada Garowe ee gobolka Nugaal .  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iyo Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*