9th October 2024  admin  Category :

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku heshiiyey inay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*