20th September 2024  admin  Category :

Gabar lagu riday xukun ah in dhagax lagu dilo iyo falcelin ka dhalatay

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo  in looga hortago in haweeney da’yar oo u dhalatay dalka Suudaan lagu dilo dhagax, kadib markii lagu helay dembi ah gogal dhaaf, waxaana arrintaas caqabad ku ah Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo dalkaasi ka maqan.

Sudaan ayaa waxaa maamula gole militari tan iyo markii uu afgambi ka dhacay sanad ka hor.

Dadka wada olalaha ayaa sheegay in haweenaydan 20-jirka ah aysan helin maxkamad cadaalad ah ayna tahay in lasii daayo.

Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa isna sheegay in arrinta maxakamadda ay tahay “ciyaar ciyaar” balse wuxuu intaa ku daray: “Ma hayno wasiir soo faragelin kara oo dalbada in la sii daayo.

Gabadhan yar oo ay ninkeeda kala tageen sanadkii 2020-kii ayaa qoyskeeda la degtay, waxaana lagu eedeeyay in ay gogol dhaaf la sameeyay sanad ka dib ninkeedii.

Maxkamad ku taalla magaalada Kosti, ee gobolka Nile ee Suudaan ayaa bishii Juun 2022 -kiiku heshay dambiga.

Racfaan ayay ka qaadatay xukunka lagu riday, waxaana la sugayaa xukunka maxkamadda.

Suleyma Isxaaq oo madax ka ah waaxda tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee wasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa BBC-da u sheegtay in muddooyinkan ay u sheegi jirtay mas’uuliyiinta magaalada caasimadda ah ee Khartoum in dacwaddaasi ay tahay mid khaldan, balse wasiir la’aanta xukuumadda ay ku adkaatay in la helo dadaalladii loo baahnaa.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in haweeneydan oo aysan BBC-du isticmaalin magaceeda sababo la xiriira codsi ka qoskeeda kaga yimid aysan helin qareen intii ay xabsiga ku jirtay, isla markaana aaaney ka warqabin eedeymaha lagu soo oogay.

 “Waxaan haysanaa sababo aan ku aamino in si sharci darro ah loogu qasbay inay saxiixdo qiraal ay booliisku sameeyeen,” ayuu yiri Mosaad Maxamed Cali, oo ah agaasimaha fulinta ee Xarunta Afrika ee Daraasaadka Caddaaladda iyo Nabadda (ACJPS).

Waa dibad bax looga soo horjeeday xukunka oo ka dhacay Khartuum

Qareenka haweeneyda, oo lagu magacaabo Intisar Abdala, ayaa BBC-da u sheegtay in ay rajaynayso in racfaanka ka dib, ay maxkamaddu hadda “samayn doonto waxa saxda ah” oo ay sii deyso gabadhan.

Suudaan weli waxaa ka jira ciqaabo kala duwan oo lagu xukumo dadka gala dembiyada heerarkoodu kala duwanyihiin iyadoo lagu saleynayo wax diint Islaamku ka qabto, sida tuuganimada, sinada, iyo cabbitaanka khamriga.

Xukunnada la rido waxaa ka mid ah karbaash, gacmaha oo la gooyo iyo dhagxa oo lagu dilo qofka lagu helo gogal dhaafka.

Ballanqaad ay dawladdu samaysay sannadkii 2015-kii oo ahaa in dilka dhagaxa meesha laga saari doono ayaan ilaa iyo hadda dhaqan galin, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Hala Al-Karib, oo ah agaasimaha gobolka ee hindisaha istaraatiijiyadeed ee haweenka Geeska Afrika (Siha), ayaa sheegtay in sharciyadagogal dhafak ee Suudaan ay “si aan u qalmin loogu dabaqo haweenka”.

Qofkii ugu dambeeyay ee ay ol-oleyaasha arrimahaan ku sheegen in lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu eedeeyay in uu gogol dhaaf ay sameysa ayaa ahayd haweeney da’yar oo lagu magacaabo  Intisar El Sherif Cabdalla. Iyada iyo ilmaheeda oo afar bilood jir ah ayaa la sii daayay 2012-kii ka dib dadaallo ay sameeyeen Siha iyo Amnesty International. Balse Al-Karib ayaa sheegtay inay jiri karaan kiisas kale oo aan laga warqabin.

Bannaanbaxyadii looga soo horjeeday afgambigii dhacay

 “Haweenka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ee dalka, xog badan kama helaan arrimahaan, waxaana jiri kara boqolaal kiisas oo aynaan ka warqabin.”

 Dawladdii ku meel gaarka ahayd ee la wareegtay Sudaan kadib kacdoonkii lagaga soo horjeeday Madaxweyne Cumar Al-Bashiir sanadkii 2019-kii, waxaa meesha laga saaray “sharciga dadweynaha” kaas oo xakameynayay sida dumarka ay u dhaqmaan ayna u labistaan.

Si kastaba ha ahaatee, Saxafiyad u dhalatay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Zeinab Maxamed Saalixi ayaa soo warisay in “Booliska anshaxa” ee ilaalin jiray waddooyinka, isla markaana fulin jiray sharcigan ay dib u soo laabteen kadib afgambigii dhacay sanad ka hor.

 Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamo daacada u ahaa Al- Bashiir ay dib u shaqaaleysiinayaan maamulka hadda talada haya.

“Waxaan ku rajo waynayn in xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Suudaan ay samayso isbeddallo qaab-dhismeedka sharciga ee Suudaan, kaasoo weli si cad u ciqaabaya haweenka iyo gabdhaha ,” ayay tiri Hala Al-Kirab.

Sannadkii 2021, Suudaan waxay sidoo kale waxay ka mid noqotay dalalka saxiixayAxdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah jirdilka.

 Ururada aan dowliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ku baaqay in la sii daayo haweeneydan ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xukunka maxakamddu ku riday hawenaydan.

Qareen Intisaar Cabdala ayaa ah qofka kaliya ee loo ogolaaday in ay soo booqato gabadhan 20-jirka ah, taasi oo bilo ku xiran xabsiga haweenka ee gobolka White Nile.

 “Haweenayda da’da yar caafimaadkeeda jireed waa uu fiican yahay laakiin sida la fahmi karo aad bay u welwelsan tahay. Ma jiraan wax badan oo aan dhihi karo ka qareen ahaan,” ayay tiri.

 Waxay intaa ku dartay in gabadha yar ay ahayd “gabadh reer miyi ah oo ka soo jeedda qoys aad u dhaqaan iyo diin leh oo beeraley ah.”

 “Waxaan ka sugeynaa xukunka maxkamada racfaanka, laakiin qofna ma sheegi karo goorta ay taasi imaan doonto, sugitaanku waa doorashada kaliya ee aan leenahay.”

Dadka u ololeynaya sii deynta haweeneydan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la sii daayo gabdhan.

“Tani waxa laga yaabaa inay noqoto xukun naxdin leh oo caalami ah, laakiin naguma aha naxdin.” ayay tiri Hala Al-Karib.

 BBC-da ayaa la xiriirtay maxkamadda dambiyada ee Kosti si ay faah-faahin uga hesho , laakiin wax jawaab ah kama aysan helin.Suurtagalna ma ahayn in Wasiirka Cadaaladda la waydiiyo jawaab rasmi ah, sababtoo ah jagadaas waa mid aan buuxin.

Afhayeen u hadlay safaaradda Suudaan ee magaalada London ayaa yiri “Si buuxda ayaan ula soconaa kiiskan, inta aan ognahayna ma ahan go’aankii ugu dambeeyay ee maxkamadda, waxaana arrintan la xiriirnay hay’adaha caddaaladda ee Suudaan, jawaabtoodana waan ka sugeynaa.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*