26th November 2024 admin Category :
Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano horleh
Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xoreeyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka dhabta ah waxaa qaaday maleeshiyaadka loo yaqaano macawisleyda oo u abaabulan hab qabiil, hase ahaatee taageero ka helaya dawladda Soomaaliya.
Wararka ka imanaya dhinaca Koonfur Galbeed ayaa isna sheegaya, in maaleeshiyo deegaanka ah oo xidhiidh la leh maamulka Koonfur Galbeed inay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta illaa afar deegaan oo hoos taga degmada Baydhabo ee gobolka Bay. Maleeshiyadan ayaa taageero ka heshay ciidamada milateriga ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa muujinaysa in kacdoonka ka dhanka ah ururka al-Shabaab inuu haatan ku faafay deegaano hor leh.
Warbaahinta dawladda ayaa Isniintii sheegtay in deegaamo ay ka mid yihiin Busley, Buulo-jadiid, Mataani iyo Usli inay ka mid yihiin goobaha la xoreeyey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay maleeshiya al-Shabab ku jebiyaan badhtamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaadhay hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.
Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu xoreeyay wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay.
VOA si madax banaan uma xaqiijin warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.