30th April 2024  admin  Category :

Degmada Badhan ee goboka Sanaag , ee horay u ahayd degaan nabadeed oo bulshada ku nooli haysatay amni buuxa xilligii ay Soomaaliya inteeda kale ka socday dagaalkii sokeeye ayaa hadda noqotay mid amnigeedu faraha ka sii baxyo.

Degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo marka loo fiiriyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland ah kuwooda ay ku nool yihiin ugu dadka yar, ayaa asbuuc walba waxa lagu dilaa qof ama labo qof. Asbuucan labo qof ayaa lagu dilay, oo Allah ha wada naxariistee , o mid ka mid ahi ay ahayd qof Dumar ah.

Yaa dilka ka gaysanaya Degaanada hoos taga degmada Badhan?.

Boqlkiiba boqol, dadka dilka gaysanaya waxay u badan yihiin dad isticmaallay Maandooriyaal sida khamriga IWM.

Xaguu ka imanayaa Maandooriyaashan magaalada Badhan ka dhigay Kawaan dadka lagu dilo.

Sidaad la socotaan intaan magaalada Laascaanood maamulka Somaliland gacanta ku dhigin sidan oo kale ayaa ka jirtay maalmihii loo soo socday oo khamri fara badan ayaa magaalada la keeni jiray ooo waxa u dheeraa Khamriga qaad bilaash ah. Sidaas si la mid ah ayaa Maandooriyaasha Badhan dadka lagu laynayo waxa magaalada soo geliya shaqaalaha Badhan ku sugan ee maamulka Somaliland ka mushahar qaata.

Hadaba waa ayo macaamiisha ugu badan ee khamriga la baray ama horay u cabbi jirtay ee iibsada Khamriga magaalad Burco laga keeno.

Askarta maamulka Puntland iyo Saraakiishooda ayaa ah kuwa ugu badan ee ku sakhraama, ahna kuwa ugu badan oo dadka laaya marka ay cabaan .

Haddii dawo bukooto wax lagu dabiibo ma jiraan sidaas awgeed kuwii amniga loogu talo galay inay ilaaliyaan haddii ay iyagii amnigii khal khal gelinayaan, ayaa is waydiintu waxay tahay Badhan yaa u maqan?

Ugu danbayntii Allah ha u wada naxariistee waxaan tacsi u diraynaa labaddii qof ee ugu danbeeyey ee ay kooxdan maandooriyaasha isticmaalaa ay Badhan ku dileen Cali Cabdulahi Maxed Xuseen iyo Saynab Maxamed Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*