11th October 2024  admin  Category :

Koox cuqdadaysan oo Caraysani dal ma hogaamin karaan.

Dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Culusoow ee loo doortay inuu Somaaliya dhan uu madaxweyne u noqdo, ayaa maanta ilaa maalintii uu xilka qabtay marba marka ka sii danbaysa uu la soo baxayaa cuqdad caro iyo qabyaalad aan xad lahayn .

Soomaali 4.5 ayeey wax ku qaybsadaan marka ay timaado siyaasadda , inkasta oo dhaqaalaha mar walba ama madaxweyne kasta oo xaruntiisy tahay Muqdisho uu sadbursi siiyo beesha Hawiye oo afduub ku haysta caasimaddii Somaaliya , oo haddii ayna baad helin aan lagu shaqayn karin Caasimadda. Waxayna soo bilaabantay maalintii Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf uu Baydhabo ka soo guuray.

Madaxweyne Culusoow, wuxuu ka bilaabay qabyaaladiisa intaanu soo dooran Ra’isul wasaarihiisa ku imanayey 4.5. Dalka dibadiisa ayuu u baxay isaga oo aan R’isul wasaare soo dooran, wasiir arimo dibadeed wadan, oo ay la socdaan koox ka soo wada jeeda beesha Hawiye oo u caraysan ama u cuqdadaysan sida uu u cuqdadaysan yahay madaxweynuhu.

Markii uu soo xushar Ra’sul wasaare ay naftiisu jeceshahay horayna u yaqaanay kartidiisa iyo waxa uu gooyo g , wuxuu Madaxweynaha ku khasbay Ra’isul wasaarihiisa uu ku xushay inuu rabitaankiisa ku shaqeeyo in wasaaradaha “A” la wada siiyo beesha Hawiye. Wasaaradaha Caddalada iyo Dastuurka, arimaha gudaha, caafimaadka, waxbarashada, Qorshaynta iyo Batroolka ayaa loo wada magcaabay..

Madaxweyne Culusoow, dhowaan wuxuu magcaabay Guddida iskudhafka ah ee qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya oo ka kooban;

.1- Dr. Elmi Mohamoud – DIR

2- Ahmed FIQI – HAWIYE

3- Xasan MACALIM- HAWIYE

4- Cabdisaq Omar – HAWIYE.

MAadaxweyne Culusoow, dhowaan wuxuu ku dhawaaqay iinuu la dagaalamayo Alshabaabka, wuxuu kula dagaalamayaa oo qura deganada ay beesha Hawiye degaan ee Hirshabelle . Xitaa tacsi uma dirin dadkii ay ka dhinteen xasuuqii ay maalmoo ka hor alshabaabku u gaysteen shacab aan hubaysnayn ee ku sugnaa magaalada Milxo ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Culusoow hadda Maraykan ayuu joogaa , wuxuuna la kulmay Wsaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka . Haba yaraatee lama socdaan wasiirkii wasaaradaas iyo dadkii khibradda u lahaa arimaha amniga. Laakiinse waXa la socda kooxda HAG oo ay ka mid yihiin

Cali Balcad, Abgaal, Mudulood, Hiraab, (Hawiye)

Abdirazak British, Mudulood, Hiraab, (Hawiye)

Abshir Bukhaari, Madarkicis, Hiraab, ( Hawiye) iyo

Zakariye oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Haba yaraatee lama socdaan wasiir ka soo jeeda beesha Daarood, Raxanweyn, Dir iyo 4-5 oo dhan

Madaxweyne Culusoow iyo beeshiisu waxay kulan la qaateen Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva. Wasiirkiisii maaliyadda iyo Guddiga dhaqaalaha Qaranka midna lama socdaan, Sawirka sare waa Guddiga dhaqallaaha qaranka iyo wasiirka maaliyadda ku magcaaban Cilmi Maxamuud Nuur

M. Culusoow iyo beeshiisu waxay la kulmeen xooghayaha arimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken iyo Victoria Nuland oo ah ku xigeenka xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka , balse Wasiirkiisii arimaha dibadda Soomaaliya lama socdo?

Ugu danbayntii madaxweynuhu khudbaddiisii Maraykanka waxa ka mid ahayd ” Soomaaliya Waxa iska leh Muslimiinta. Muslimiinta Soomaalida qura, ma laha Muslimiinta oo dhami. Magacyo Carbeed shaqo kuma laha Soomaaliya Waa dhulkii Qawdhan iyo Calasoow. Magacyadan uu madaxweynuhu sheegayo beelo gaar ah ayaa la baxa oo ay u gaar yihiin. Geedi iyo Guuleed Soomaali oo dhan ayaa la wada baxda, waa oran kari lahaa waa Qof ay qabyaaladi maskaxdiisa ka guuxayso

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*