25th October 2024  admin  Category :

” Aniga oo sideetankii madaxa la galay inaan Qori weyn qaato sabab ayaa igu kaliftay

Saciid Maxamuud Cawaale, oo 77 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ee hubka u qaatay in ay la dagaallamaan Al-Shabaab

Wuxuu sheegay in uu u qalab-qaatay arrintaan kaddib markii Al-Shabaab “ay weerartay tuuladiisa oo 5 km u jirta Cadakibir oo lagu magacaabo Dhisaq-suluble, isla markaana barkad uu lahaa, gurigiisii iyo xoolo isugu jiray lo’ iyo ari ay kooxdaas ka kaxeysatay”.

Wareysi uu siiyay BBC Somali ayuu sidoo kale ku sheegay in weerarkaas ay Al-Shabaab ku kaxeysatay dad ay isku dhowaayeen. Arrintaas ayuu tilmaamay in ay sababtay inuu hub qaato oo ciidan uu abaabulo.

“Duruuftaa igu kalliftay. Awal, nin da’ ahna waan ahay, dhib ay nimankaas leeyihiinna uma socon, dhib kale oo bani’aadam kale uma aan socon, haddii naf iyo maalba wixii la arkay la isku dartay ayaa [sababtay] in aan qalabkeyga qaato oo nimanka aan la diriro,” ayuu yiri.

Siciid ayaa noo sheegay in “xilli duhur ah ay Al-Shabaab soo weerartay, barkadihii deegaankana dab qabadsiiyeen.” Wuxuu intaa ku daray in “Al-Shabaab ay dadkii ku wargelisay in ay deegaanka uga baxaan muddo labo saac ah.”

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Saciid oo wata qori saban (RPG-7) ah. “[Qorigaas] aniga ayaa iska leh. Markii ay xaaladdaan dhacday oo aan yaabay oo wax naf iyo maal la reebayo aan la arag ayaan la soo baxay,” ayuu BBC-da u xaqiijiyay. Wuxuu sheegay in uu hubka u qaatay “si uu ehelkiisa uga difaaco duullaanka Al-Shabaab”.

“Ayaantaan tabaabusho ayaan ku jiray, wax baan aruursanayay, xeel dagaal ayaan ku jiray,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay “waan socdaa, muslimka ayaan faataxada ka maranaa.”

Dadka isu abaabulay la dagaallanka Al-Shabaab

Marka laga yimaado inuu diyaar-garow ku jiro, Saciid Maxamuud horay dagaal ugama hor imaan Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in uu “rajeynayo in ay ku guuleystaan dagaalka ay kula jiraan kooxdaas.”

Wuxuu ku eedeeyay Al-Shabaab in ay dhawaan weerartay deegaanka Baxdo ee isla Galgaduud ah oo meesha uu joogo u jirta qiyaastii 30 km. Halkaas waxaa ka dhacay dagaal iska caabbin ah oo ay dadka deegaanka la galeen Al-Shabaab, isla markaana sheegeen in ay uga guuleysteen.

Mar uu ka hadlayay saameynta ay qof ahaan ku yeelatay tallaabada ay qaadday Al-Shabaab wuxuu sheegay in toban qof oo reerkiisa ah uu geeyay meel u dhow Cadakibir. Waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay in xoolihii uu dhaqanayay oo dhan ay ka qaadatay, taas oo uu sheegay in ay ceyrteysay.

Weerarka deegaankiisa lagu qaaday ayuu xusay in Al-Shabaab ay ku qafaalatay 70 qof oo ay ku jiraan dad ay qaraabo iyo deris yihiin oo uu xitaa ku jiro nabaddoonkiisa, kuwaas oo aan la garaneyn halka ay la aadeen iyo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin.

Maleyshiyo beeleedyo is abaabulay ayaa muddooyinkii dambe dagaallo kula jiray Al-Shabaab, iyagoo gacan ka helay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Meelaha ay ilaa ka dhaceen isku dhacdayaas waxaa ka mid ah deegaanno hoostaga Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

Maleyshiyaad is abaabulay

Marar badan ayay horjoogeyaasha maleyshiyaadka ishubeeyay sheegeen in ay Al-Shabaab u babac dhigeen kaddib markii ay xamili waayeen culeysyo bulshadooda kasoo wajahay dhanka Al-Shabaab, oo ay sheegeen in ay ka mid yihiin dad laga dilay iyo carruurtooda oo ciidameyn lala doonayay.

Bishii Agoosto ayay macawisleydu la wareegtay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay kula dagaallameen Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ay u aargudayeen nabaddoon laga dilay.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardareysan…annagii ogayn ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Dagaalkaas waxaa Al-Shabaab looga saaray Tuulooyinka Luuq Jeelow, Baar, Wardhabeelle iyo Raangaabo oo dhammaantood galbeed ka xiga Beledweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*