18th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Duulista Hawada Oo La Kulantay Maamulka Shirkadda FAVORI

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya . Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta kulan la qaadatay maamulka shirkadda FAVORI LLC .

Kulanka ayaa inta  uu socday waxaa wax  laga waydiiyay maamulka shirkadda adeegyada ay ka qabtaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay ugu horreeyaan horumarinta, dayactirka, ballaarinta  garoonka, sharciyada hannaanka shaqo ee shirkadaha ka dhex shaqeeya garoonka iyo isla-xisaabtan ku aaddan heshiiska ay shirkaddu kula jirto Dawladda Soomaaliya oo la waafajiyo shuruucda Dalka iyo dib u eegistiisa

Maareeyaha  Duulista Hawada , ku-xigeennadiisa , maareeyaha garoonka Aadan Cadde  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ayaa goobjoog u ahaa kulanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*