29th April 2024  admin  Category :

Wararka ka imaanaya Degmada Buuhoodle,ayaa sheegaya in ay jiraan abaaro  xoogan oo saameeya nolosha dadka reer guuraaga ah iyo xoolaha kale ee ku dhaqan halkaasi.

Abaarahaan ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaano badan oo dhaca woqoyiga magalada buuhoodle ,kuwaas oo ay saameeyeen maqnaanshaha xilligii roobabka ee la filaayey.

Qoysas badan oo reer guuraa ah ayaa ku soo qulqulaya magaalooyinka,kadib kolkii ay waayeen biyo iyo baad,waxayna miciin bidayaan in lala soo gaaro gurmad bini’aadanimo.

Maamulka Degmada Buuhoodle iyo qoysas badan oo ku barakacay abaaraha, ayaa dalbaday in lala soo gaadho gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah,gaar ahaan adeegga biyaha oo ay tilmaameen in in ay  qabaan baahi weyn.

Labadii sano ee u dambeeyay dalka Soomaaliya waxaa ka jira abaaro xoogan oo saameeyay nolosha dadka iyo xoolaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*