28th March 2024  admin  Category :

Waa kuma imaamkii hore ee Xaramka ee xukun lagu riday?

22-kii bishaan Ogoosto, Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa toban sano oo xarig ah ku xukuntay Imaamkii hore ee Masjidka xaramka ee magaalada Makka Sheekh Saalax Al-Daalib, ninkaa oo sidoo kale ahaa daaci.

Marka laga reebo Sacuudiga, warbaahinta kale ee dalalka Carabta ayaa baahisay warka sheegaya in mid ka mid ah  Imaamyadii hore ee Xaramka lagu xukumay toban sano oo xabsi ah.

Sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee kala duwan ee dalalka Carabta, Ogoosto 22-keedii, Maxkamadda Racfaanka Sacuudiga ayaa soo saartay xukun 10 sano ah oo ka dhan ah Imaamkii hore Sheekh Saalax Al-Daalib.

Warbahinta wax ka qortay imaamkii hore ee xaramka waxaa ka mid ahaa Carabi 21 oo xiriir la leh Qatar, kaasoo sheegay in maxkamadu ay laashay go’aankii maxkamada hoose ay ku sii deysay eedeymihii loo soo jeediyay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta, maamulka Sacuudiga ayaa xiray Saalax Daalib bishii Ogoosto 2018 iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray.

Sida ku xusan Carabiga 21, Daalib waxa uu garsoore ka soo noqday maxkamado kala duwan oo Sucuudiga ku yaalla, sida maxkamadda sare ee Makka, oo uu ka soo shaqeeyay ka hor inta aan la xirin.

Tan iyo markii la xiray Sheekhaan, hay’adaha xuquuqul insaanka iyo warbaahinta kala duwan ee ka soo horjeeda Sucuudiga ayaa xukunkiisa la xiriiriyay khudbad uu jeediyay oo uu kaga hadlayay ‘muhiimadda ay leedahay diidmada xumaanta’.

Xiligaas, Yaxya Esri oo ah u dhaq dhaqaaqe arrimaha Sacuudiga ayaa u sheegay Al Jazeera oo Qatar laga leeyahay in mas’uuliyiinta dalkiisa ay bartilmaameedsanayaan kuwa mustaqbalka su’aal ka keeni kara dowladda iyo dadka caanka ah.

Maxamed Bin Salmaan

Sheekh Saalax ayaa khudbad uu jeediyay ka hor inta aan la xirin waxa uu dhaleeceeyay madaxda “dulmiga sameysa ee u dhaqma qaabka kaligii-taliska ah”. Waxaa la sheegay in xilligaas aanu soo hadal qaadin qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Balse wuxuu iftiimiyay dhaleeceynta baraha bulshada ee dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ku sameeyay isbadalka bulsho ee Boqortooyada, isagoo ku tilmaamay mid la yaab leh.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, tiro wadaado ah ayaa lagu xiray Sacuudiga kuwaas oo loo beegsaday in ay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah aragtiyada dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan.

 Xukunka ka dhanka ah Sheekh Saalax waxa uu dhaliyay falcelin ballaaran oo ay baraha bulshada  ka sameeyeen qaar ka mid ah dadweynaha Sacuudiga kuwaas  oo dhaleeceeyay Maxamed Bin Salmaan. Waxay sheegeen inuu ka soo horjeedo in qofku si xur ah u muujiyo ama uu dhiibto aragtida uu qabo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*