22nd December 2024  admin  Category :

Safiir dalkiisa looga yeeray sawir ay xaaskiisa gashay dartiis

Sawirro laga qaaday fannanka reer Lubnaan Regheb Alamu oo ay ku wada jiraan sawirka xaaska danjiraha Ciraaq u fadhiya dalka Urdun Xaydar Al-Adhari waxaa ka dhashay muran xooggan.

Haddaba maxay tahay tafaasiisha sheekadaas?

Labo maalmood ka hor fannaanka reer Lubnaan Ragheb Alama wuxuu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay sawir uu ugu mahadnaqayo danjiraha Ciraaq ee Urdun. Waxaa kula jirtay xaaska safiirka.

Wuxuu sawirka soo raaciyay farriin ah “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa danjiraha Ciraaq ee Urdun iyo xaaskiisa marwo Maysam Al-Rubeyci, sida quruxda badan ee ay sharafta ku dheehan tahay oo ay ii soo dhaweeyeen.

Haddaba hadal-haynta sawirka ka dhalatay waxay keentay olole ka dhan ah fannaanka reer Lubnaan iyo danjiraha Ciraaq iyo farriimo aad u badan oo looga soo horjeedo, kuwaas oo lagu baahiyay Twitter-ka.

Dhanka kale, kannaalka Ciraaq ee Al-Sharqiya ayaa baahiyay codad kale oo laga helay fannaanka reer Lubnaan, Ragheb Alama, iyadoo warbaahinta ay sheegtay inay fannaanka la xiriirtay balse uu diiday eedeymaha.

“Aniga xiriir soo jireen ah ayaan la leeyahay qoyska danjiraha Ciraaq u fadhiya dalka Urdun, iyada oo dalka Ciraaq uu yahay waddan deeqsinimo, jaceyl, dhaqan, taariikh iyo midnimaba kulansaday,” ayuu yiri Ragheb Alama.

Dadka ka ololeeya baraha bulshada ayaa ku eedeeyay danjiraha Ciraaq inuu aflagaaddeeyay Ciraaq, uuna ku xadgudbay hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo hab-dhaqanka bulsho ee dalkaas.

Shacabka Cirraaqna sawirradaas waxay ka muujiyeen caro xooggan, iyaga oo sheegay ‘in aysan munaasab ku ahayn haweeney diblumaasiyad dal kale ku asteysan.’

Dhinacyada danjiraha difaacaya

Dhinaca kale, waxaa jira dad iyaguna difaacaya Danjiraha Ciraaq oo uu ka mid yahay xildhibaankii hore Mishaan al-Jubeyri. Wuxuu sheegay Xaydar al-Adhari inuu yahay danjire si weyn ugu guuleystay diblumaasiyadda, isdhexgalka bulshaduna ay ka mid tahay dhaqanka ay leeyihiin shacabka Ciraaq. Sawirro gaar ah oo uu la galay fannaanka caanka ee reer Lubnaanna ay waxba ku jabneyn.”

Halka dadka dhaleeceynaya ficilka danjirahana ay ku talinayaa in danjiraha lagu ciqaabo ficilka uu sameeyay, maaddaamaa uu ku xadgudbay xeerkii u yaallay diblumaasiyadda caalamka iyo tan Ciraaq intaba.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq dhankeeda waxay dib ugu yeertay danjiraha dalka Ciraaq u fadhiyay Urdun, Xaydar Al-Adhari saacado kaddib markii uu fannaanka reer Lubnaan Ragheb Alama uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirrada uu la galay danjiraha iyo xaaskiisa.

Wasaaraddu waxat sheegtay in Danjire dal dhan oo diblumaasiyadda astaan u ah aan laga fileyn inuu arrin noocaas ah ku dhaqmo.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Axmed Al-Saxhaf oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa yiri: “Wasaaradda arrimaha dibadda waxay si aad ah ula socotaa wixii lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan danjiraha Jamhuuriyadda Ciraaq ee Boqortooyada Urdun.”

Dhanka kale, Ururka Xirfadlayaasha Muusigga iyo Fanka ee dalka Lubnaan ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan tallaabbada ay Baqdaad ugu yeedhay safiirkeeda u fadhiya Urdun, Xaydar Al-Adhari, oo salka ku hayso sawrika uu fannaanka reer Lubnaan Ragheb Alama uu la galay Danjiraha Ciraaq.

Wuxuuna ururka uu bayaankiisa ku soo gabagabeeyey: ”Fanka iyo suugaanta iney sii ahaan doonaan luuqadda iyo dhaqanka joogtada ah oo aan caalamka kula xiriirno, balse ay u baahan yihiin faahfaahin dheeraad ah iney ka helaan dhanka dowladda Ciraaq gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*