29th September 2022  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamse Iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kormeeray Ciidamada XDS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda nabad-diidka ee gobolka Hiiraan — isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Mudane Xamse waxa uu ballanqaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada iyo dadka deegaanka ee isku xilqaamay sidii ay cadawga isaga qaban lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*