24th November 2024  admin  Category :

Aniga Madaxweyne Hawiye ah ayaa i magcaabay

Mid ka mid ah wasiiraddii dhowaan la magcaabay ee ka soo jeeda beesha Hawiye , ayaa sheegay inaanu Raisul wasaare Xamze uuna magcaabin ee uu magcaabay madaxweyne Xasan Culusow.

Wasiirka cusub ee dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa isaga oo liidaya Raisal wasaaraha hadalkan yidhi. In badan oo Soomaalida ka mid ah, gaar ahaan beesha uu kursigeeda ku fadhiyo Xamze ayaa aaminsan inuu maqaar saar yahay oo ay howsha hogaanka Soomaaliya ay wada wataan koox xag jir ah oo ka soo kala jeeda Hargaysa iyo Muqdisho.

Sida uu ula dhaqmo wasiirkan edeb darooday ayaa lagu ogaanayaa inuu isagu magcaabay iyo in Mahad Salaad iyo beesha Hawiye magcaabeen. Dastuurka Soomaaliya madaxweynuhu wxuu xaq u leeyahay inuu RW magcaabo, Raisul wasaaraha la magcaabay isaga oo la tashanaya madaxweynaha ayuu isaguna golaha wasiirada soo magcaabaa.

Bal is waydii wasiirdan ma RW Xamsaa soo magcaabay mise M. Xasan Culusoow

1-Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Murusade/Sabti

2- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad

2- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Hawiye Reer Aw-Xasan.

3 Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.

4- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.

5- Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Xawaadle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*