28th November 2024 admin Category :
Wafti kakooban wasiiro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Puntland ayaa gaaray magaalada Buuhoodle ee xaruunta gobolka Cayn.
Masuuliyiinta gobolka ka degmada iyo shacabka qaybihiisa kala duwan ayaa masuuliyiinta kusoo dhaweeyay duleedka magaalada Buuhoodle.
Masuuliyiinta ayaa inta ay joogaan gobolka caanka ku ah ciidda cas waxay kulamo la qaadan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan dhanka kalana waxay u kuur galayaan baahiyaha deegaanka.