21st September 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Farmaajo u qaatay hal ku dhigii Deni ee ololaha doorashadiisa ee ahaa isbedel ayaa loo baahan yahay?

Dalalka ay ka jirto Dimoqraadiyaddu ee doorashooyinka qabsadaa ee leh xisbiyada trirada badan , marka ay doorashada gelayaan, waxay ku wada galaan Muxaafid iyo mucaarad.

Hogaamiyaha Xisbiga talada hayaa, marka uu tartanka gelayo wuxuu ku galaa waxa uu ka soo qabtay dalka dhanka arimaha amniga, bulshada. ciidanka iyo sida uu dalka isugu hayey. Intaa ka dib wxuu sii raaciyaa inay waxyaabo badan oo uu markaa magcaabayo inay qabyo ka yihiin, oo uu ka doonayo bulshadiisa inay fursad kale ee dalka ku hogaamiyo uu ka doonayo am,a siiyaan

Hogaamiyaha mucaaradku, waa labo midkood inuu dhaliilo waxqabadkii hogaamiyaha xilka haye ee uu doonayo inuu bedelo iyo sidoo kale inuu balan qaadyo cusub sameeyo.

Madaxweyne Farmaajo oo u tartamaya in mar labaad dib loogu doorto hogaanka Soomaaliya oo la sugayey inuu la yimaado sababta uu u doonayo in dib loogu doorto, ayaa waxa laga yaabay markii uu maanta qaatay hal ku dhegii Deni ee ahaa isbedelka , oo isaguna sheegay in Soomaaliya isbedel u baahan tahay, taas oo markhaanti u ah inuu ku fashilmay hogaanka Soomaaliya

Waa arin aad loola yaabo in madaxweyne shan sano xilka soo hayey uu garan waayey wuxuu sheego, wuxuu ka ogyahay dalkii uu hogaaminayey , wuxuu balan qaado,

Hadaba maxaa keenay in Madaxweyne Farmaajo la wadaago hal ku dhega Den ,

Sadex arimood uuna filanayn ayaa isugu biirtay Farmaajo oo kala ah:

Habeenkii Doorashada ee Gudoonka Baarlamaanka, markii la yiri ha loo hiiliyo Isbedelka, wuxuu u qaatay in loo codaynayo dadkii uu watay, Isaga oo Soomaali oo dhan ka dhigay inay la mid yihiin inta ka ag dhow ee Durbaanka u garaacaysa.

Arinta labaad ee uu qaadan waayey Farmaajo ayaa ahayd in maalmihii qiirada ee uu ka soo bixi jiray vILLA SOOMAALIYA, Ubaxana dhigi jiray Daljirka Dahsoon laga dhigay maalinta doorashada. Waana tan keentay khalkhalka intiisa badan

Arinta sadexaad ayaa ah mid uu ugu talo galay m. Farmaajo habeenka doorashada, si dadka codeenaya ay ugu khal khalaan oo ay kal garan waayaan cidda Isbedelka doonaysa.

Ugu danbayntii waa nasiib xumo in madaxweyne dal xukumayey shan sano uu garan waayo wuuxuu ka soo qabtay dalkii uu hogaaminayey iyo wuxuu doonayo inuu qabto haddii dib loo soo doorto. Waana wax lagu qoslo inuu miciin biday inuu la wadaago hal ku dhega ninka kursigiisa doonaya

ALLSANAAG

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*