25th October 2024  admin  Category :

Madaxda Alshbaabku Soomaalida isugu mid maaha

Dhowr cisho ka hor maleeshiyaadka Alshabaab waxay soo weerareen magaalada Af Urur, oo ay ku ogaayeen inay ku sugan yihiin Askar ka soo jeeda beesha Harti ee Daarood, halkaas waxay ku dileen Afar qof. Saacado ka dibna waa sheegteen waana ku faaneen dilkooda. Maaha markii ugu horaysay, marar hore ayeey sidan oo kale sameeyeen oo ay xasuuq ka gaystaan Buuraha Calmadow iyo Boosaaso.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaaliya Alshabaabku waxay ku dileen Kumaakun Soomaali ah oo isugu jira Waayeel, Caruur iyo Haween. Waxay burburiyeen Malaayiin doolar oo hanti ah. Mar kasta oo falkaas argagixisnimada ah ay sameeyaana waa sheegtaan. waana ku faani jireen. Marna kama ayna qoomamayn xasuuqyada ay gaystaan. Hal maalin ayeey dilaan 1000 qof, marna ma sheegin in xasuuqu si khaldan u dhacay. Waa ugu soo talo galaan inta ugu badan oo Hawiye iyo Daarood ah oo ay dili karaan

Sidan oo kale xasuuqa ay Soomaalida u gaysanayaan waxay ka sameeyeen guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, Mar walbana waa sheegan jireen waana ku faani jireen iyaga oo ku jees jeesaya shacabka Muslimiinta ah ay xasuuqayaan oo tacsida u fadhiya

Maalmo ka hor masiibo ayaa ka dhacday magaalada Hargaysa ee caasimadda waqooyi galbeed oo waxa ka kacay dab ay hanti badani ku luntay, hase ahaatee ayna ciddi ku dhiman. Saacado ka dib kooxdii Alshabaab ee hantida Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland burburin jirtay, kuna faani jirtay inta qof ay ka dileen ayaa soo saartay qoraal ay leeyihiin ” “Waxaan fursadaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu bedelo” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarakada.

Ugu danbayntii Soomaaliya kama jirto masiibo ka weyn alshabaab, waxay ku faanaan duminta hantida iyo dilka shacabka Puntland iyo koonfurta Soomaaliya oo ay iyagu gaystaan , haddase waxay sheegayaan inay ka xun yihiin dab ka dhashay Korontada, taasina waxay ku cadaynaysaa madaxda Isaaq ee alshabaab hogaamiyaa iyo Faysal Cali Waraabe inay Soomaaliya diidnimada iskaga mid yihiin.

Waa Xildhibaanad Federaal ah oo ka xanaaqsan, sidee Inaga oo Isaaq ah inoo siin karaan dhowr iyo milyan oo doolar reer Koonfureedku. Weli lama dhaarin

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*