24th October 2024  admin  Category :

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario

Xildhibaan: “Ma ahan in la tarxiilo Soomaalida Canada, waa arrin khaldan”

Iyadoo dhowaan dowladda Canada ay sheegtay inay dalkeeda ay ka musaafurinayso dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyadooda ayaa xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee NDP ,wuxuu ku tilmaamay tallaabada dowladdu ay ku tarxiilayso dadkaas mid aan sax ahayn oo midab takoor ah.

Tirada dadkan oo lagu sheegay ku dhawaad shan boqol ayaa dhibaatada haysta waxaa uu xildhibaanku ku eedeyay dadka dadka tahriibaya oo iyagu siyaabo khaldan ugu sameeyo marka hore dukumiintiyo aan ka turjumen halka saxda ah ee ay ka soo jeedaan, Waxaa uuna sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay arrintaan kala hadlayaan dowladda.

“Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad inaga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, welina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da’da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda joogeen” ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

“Haddii aysan sheeganin dokumentiyadii ay dalka ku yimaadeen, waxa ay yihiin oo la xaqiijiyay iyaguna caddeeyeen, Soomaalida wakiilkoodana uu caddeeyay safaaradooda in dadkan ay yihiin dad Soomaali ah”

Dowladda Canada waxay ku dooday in dadkan lasoo tarxiilayo ay ka been sheegeen sharciyadooda kadib markii baaritaan qoto dheer lagu sameeyay.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay mukhalasiinta inay sal u yihiin dhibaatada dadka heysta maadama markii hore oo ay dadkan dalka soo galeen ay u sameeyeen dokumentiyo aan sax oo aan caddeyneynin halka ay kasoo jeedaan.

“Dadkan waa dad Soomaali ah, oo Soomaaliya cabsi fara badan uga soo qaxay, haddii mukhalasiinta ay ka qariyeen ayna cabsi geliyeen in aysan sheeganin dokumentiyadii ay waddanka ku yimaadeen , dokumentiyada dadka soo xambaaraya ay ka iibiyeen dadkan ama dalkeeda ay ku keenayaan ma aha kuwa sax ah iyaguna waxay sheegteen inay Soomaali yihiin, Soomaalinimadoodana wey caddahay , waana la xaqiijin kara, waana la arkaa” ayuu yiri xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario.

Xildhibaan Feysal ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Canada in dadkan xaaladdooda ay dib u eegis ku sameyso maadama ay yihiin dadka kasoo cararay dhibaatooyin kala duwan.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in caddaalad ay sameyso in xaq darro aysan sameynin , dadka waxay kasoo cararayaan cabsi oo kasoo haajirayo Soomaaliya, waxay kasoo carareen dhibaatooyin fara badan, dadkaas qaxootig ee soo cararayo waa in lasoo dhaweeyaa, waan in aan la takoorin, anagaa u baahan, waa in mar labaad ay dowladda dib u eegto”

.

Maxaa sababay in Canada ay dalkeeda ka tarxiisho dad Soomaali ah?

Waxaa soo badanayaa tirada Soomalida dowladda Canada sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

Qaar ka mid ah Somalidaas oo lagu eedeeyay inay qariyeen aqoonsiga Kenya oo ay haysteen waxaana hadda dowladdu sheegtay inay celinayso halka kuwa kale go,aan sugayaal yihiin.

Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxay dowladda tallabaadaas uga laabtay markii Soomaalida ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas aan lagu celin Soomaaliya.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.

Haddaba maxaa keenay in Soomaali badan laga soo tarxiilo Canada? Maxamed Doolli oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo in ka badan 25 sano ka hawl galayay magaalada toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC u sheegay in qofka Soomaaliga ah ee lagu helo baasaboorka dal kale oo nabad ah isla markaana ku anddoocanayo in Soomaaliya uu ka yimid uu wajahi karo musaafurin maadama la xaqiijiyay in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galay Canada.

“Xaaladaha nagu soo kordhay ee ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee loo diiday sharciga ama laga ceshtay, waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaa dhici karta in qofka uu baasaboor Kenya kusoo galay uuna sheegtay in uu yahay qaxooti Somaaliyeed , dad baa sidaas sharciga ku qaatay kadib baaritaan dheer lagu soo ogaaday in qofkaas uu heystay sharciga Kenya .. qofka qaxootinimada uu sheegayo mid sax ah ma yahay mar haddii uu raadka been soo galo wax kasta been ayay noqonayaan..marka lasoo ogaado sharciga ayaa lagala noqdaa, been baa noo sheegtay baa lagu yiraahdaa” ayuu yiri Maxamed Doolli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*