23rd October 2024  admin  Category :

Markii uu burburay Midowgii Sofiiyeetka (Soviet Union) 1991dii, dalka Yukreeyn (Ukraine) waxa uu ahaa dalka seddexaad ee ugu awoodda badan adduunka, gaar ahaana dhinaca hubka Nukliyeerka. Waxeey heeysteen in kabadn 1800 oo madax oo hubka nukliyeerka ah. Waxaana Midoowgii Soofiyeet burburkiisa hub badan oo Nukliyeer ah ka dhaxlay dalalka Belarus, Kazakhstan iyo Ukraine.

 Hadaba, wadamadda reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareeykanka iyo Ingiriiska ayaa dalka Yukreyn ku qalqaaliyey ineey hubka Nukliyeerka ay heeystaan ay faraha ka qaadaan oo ay ku wareejiyaan dalka Ruushka. Taa beddelkeeda, waxaa dalka Yukreeyn loo ballanqaaday in amnigooda aysan ciddina uga baqin oo Mareeykan iyo reer galbeedka kale ay garab taagan yihiin. Waxaana heshiiskaas lagu gaaray dalka Hangeri (Hungry) caasimaddiisa Budapest 1994tii.

Maanta dadka Ukraine waxaa ciil iyo carro ay ka haysaa sababtii ay isaga dhiibeeyn hubkii Nukliyeerka ay heeysteen, waxaana dadka badankiisa ay aaminsanyihiin in maanta amnigooda aysan ciddina uga baqeeyn, Ruushkana uusan taako ka mid ah dhulkooda uusan soo haweeysteyn.

Waxaa cajiib ah in dalalkii qeeybta ka ahaa heshiiskaas ee Mareeykan iyo Ingiriis ay maanta leeyihiin annagu ciidan u dirri meeyno dalka Ukrain, balse waxaan Ruuska ku soo roggeeynaa cunnaqabateeyn. Hadaba, hadii Mareeykan iyo Ingiriis aysan awoodin in ay garab istaagaan dalka Ukrain waxeey aheeyd in hubkooda Nukliyeerka aysan ka siin dalka Ruushka.

Sidoo kale, Mareeykan iyo Reer Galbeedka ayaa waxeey maalin kasta ku ceceliyaan ineey garab taagan yihiin Taiwan, balse waxaa dhab ah in hadii Shiinuhu uu weeraro Taiwan aysan ciddina waxba u qabaneeyn.

Waxaana caddaatay in aan la isku halleeyn karin Mareeykan iyo waddamada kale ee reer galbeedka hadii dagaal uu yimaado. Waxaana arrimahaan laga baran karaa in qofka uusan hubkiisa iska dhiibin iyo in dalka uu yeesho saaxiib dhab ah oo dhiiga u daadinaya dalka ay saaxiibka dhaw yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*