30th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Daahfuray Mashruuca Qorshaha Nashqadaynta Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 January 2017  daahfuray Mashruuca qorshaha nashqadaynta Degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Daahfurka mashruucani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, saraakiil ka mida ciidamada Dawladda Puntland iyo saraakiisha Madaxtooyada Dawladda puntland.

Mashruuca qorshaha nashqadaynta Magaalada Boosooso ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada (UN-HABITAT) oo iyadu maalgelinaysa mashruuca, waxaana fulinta mashruuca gacanta ku haya Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, sidoo kale dhismaha iyo dib u habaynta nashqadaynta magaalada ayaa waxaa hirgelindoona shirkadda dhismaha ee (SOLO).

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay horumarka iyo bilicda magaalada Boosaaso uu qayb weyn ka qaadan doono mashruuca qorshaha nashqadaynta magaalada Boosaaso, isla markaana madaxweynu waxa uu ku tilaamay mashruucani mid muhiimad gaara u leh shacabka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Dawladda Puntland.

Madaxweynuhu ayaa isaga oo fariin udiraya shacabka magaalada Boosaaso waxaa uu kula dardaarmay shacabka magaalada inay kala shaqeeyaan maamulka degmada iyo laamaha amniga sidii loo hirgelin lahaa loona socodsiin lahaa mashrucan dib loogu soo nooolaynaayo bilicda iyo nashqada Degmada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada , iyo masuuliyiinta gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa dhankooda sheegay in mashruucani muhiimad gaara u leeyahay degmada Boosaaso maadaama ay tahay hooyadii Gacansiga Puntland lagama maarmaana ay tahay inay hesho jidadd iyo qaabiyad wanaagsan si ay u suurta gasho isu socod ka ganacsiga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey shacabka degmada Boosooso, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo laamaha amniga ee magaalada inay si wadajira isaga kaashadaan hirgelinta iyo dar-dar gelinta qabsoomida mashruucani, islamar’ahaantaana waxauu madaxweynu tibaaxay in qorshe walba oo lagu fulinayo soo noolaynta bilicda magaalagu muhiimad gaara u leedahay Dawladda puntland iyo shacabkeeda madaama ay tahay degmada Boosaaso  muraayadii ganacsiga Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA,WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.    IMG_6191 IMG_6195 IMG_6202 IMG_6211 IMG_6215 IMG_6225 IMG_6227 IMG_6234 IMG_6235 IMG_6237 IMG_6239 IMG_6240 IMG_6243 IMG_6247 IMG_6250 IMG_6252 IMG_6257 IMG_6259 IMG_6261 IMG_6264 IMG_6270 IMG_6271 IMG_6273 IMG_6285 IMG_6290 IMG_6313 IMG_6316 IMG_6318 IMG_6329 IMG_6339 IMG_6343 IMG_6346 IMG_6351 IMG_6388 IMG_6405 IMG_6407 IMG_6410 IMG_6413 IMG_6417

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*