23rd December 2024 admin Category :
Xildhibaanaddii ku caan baxay Laaluushka, mooshinada iyo khalkhalka siyaasadeed ee Soomaaliya maanta ka jira ayaa waxay gudoomiyahooda cusub u doorteen Cabdirashiid Xidig,
Xilldhibaanadan Qaswadayaasha ah, ee ka midka ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya dhowr iyo sagaashan, intooda badana waxa laga soo doortoaa maamulka Koonfur galbeed ee Shariif Xasan.
Qaswadayaashan ayaa dhowaan doorashaddii ka dhacday Muqdisho waxay codkooda wada siiyeeen saxiibkood Cabdirashiid Xidig si uu u noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Qaswadayashan sagaashanka gaaraya ayaa dhowaan u codeeyey sidoo kale Saaxiibkood Faarax Sakiin si uu u noqdo Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu danbayntii Kooxdan Qaswadayaasha ah ee Xidig Gudoomiyaha u doortay , ayaa ujeedadooda ugu weyn ay tahay in saaxiibkood Xasan Culusoow uu mar ka le ku soo laabto madaxweynaha Soomaaliya.