22nd December 2024  admin  Category :

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dabdaan ee Soomaaliya oo hakiyay xibaannimadii Mahdi Guuleed

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dabdaan ee Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray oo dhawaan la shaaciyay waxa uu ku sheegay inuu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#239.

Guddiga ayaa sheegay inuu u soo dacwooday musharrax Xuseen Carab Ciise sidaas daraadeedna uu guddi bilaabayo baaritaan ku aaddan cabashadaas, muddo todoba maalmood gudahood ahna uu ku soo gudbin doono go’aanka uu ka gaaro astakada la soo gaarsiiyay.

Hasayeeshee sida ku cad hab-raaca doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaa wixii cabasho ah oo kuraastooda ku saabsan loo gudbinayaa guddoonka saree e maamulka doorashada gobollada waqooyi, kaas oo ka madax bannaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dabdaan ee Soomaaliya ee haatan warqadda soo saaray.

Kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#239 ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaana ku tartamay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa markii ay cod bixinta dhacday kaddib waxa uu ku guulaystay 97 cod halka Mushtaaq Ibraahim Yusuf oo la tartamaysay ay heshay 3 cod, hal codna wuu hallaabay. Sidaas Mahdi waxa uu ku noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee loo doorto Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ee 11-aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*