25th October 2024  admin  Category :

Garoowe: Maamulka Puntland ayaa heshiis la galay qaar ka mid ah shirkadaha dhismaha ee ka hawlgala Puntland si ay u dayactiraan waddooyin iyo buundooyin ku yaal laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Nairobi: Professor Cabdiwahaaab Cabdisamad oo dhawaan ay ka afduubteen dawladda Kenya isaga oo magaalada dhexmaraya ayaa warar soo baxaya waxeey sheegayaan in la soo daayey. Afduubka Cabdiwahaab ayaa lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey ra’iisal wasaare Rooble oo markan gacan saar la leh dawladda Kenya iyo dawladdaha kale ee uu soo kabo tashaday burburinta dalka Soomaaliya.

Hadaba Faarax Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweeyn ee dalka Kenya ayaa bartiisa Twiterka soo dhigay “Our Brother Dr Abdiwahab Abdisamad has been released. I wish to thank all the defenders of freedom in our country & abroad who stood by our valued Scholar/Warrior for Regional Peace & Stability. We must defend with our last drop of blood our freedom of speech/association.”

Canada: Dalka Canada waxaa maalinta berri ah ka qabsoomeeysa doorashada dalkaas ee lagu dooranayo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo dabcan ra’iisal wasaraha; Xisbiga talada hayey ee Liberal iyo mucaaradka sida Conservative, NDP iyo dhawr xisbi oo ah xisbiyada yar-yar ayaa doorashada berri ku tartami doona, balse xisbiga Liberalka ee uu hoggaamiyo Justin Trudeau ama Conservative ayaa la fillayaa in midkood uu ku guulleeysan doono doorashada. Hadaba, Soomaali badan oo dalkaas ayaa ka qeeyb gelli doonta codeeynta, meesha dhawr qof oo Soomaali ahna ay ka kalla sharaxan yihiin xisbiyada kalla duwan ee dalka Canada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*