25th November 2024 admin Category :
Golaha Wadatashiga Qaranka oo soo saaray jadwalka Doorashooyinka Dalka
Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada.
Jadwalka Doorashada
- Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Guddiyada Doorashadda (30 June – 05 July 2021)
- Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)
- Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada (23 July 2021)
- Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)
- Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)
- Dhaarinta Xildhibaannada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)
- Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)
Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:
– Goluhu oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.
Golaha Wadatashiga Qaranka oo 28 – 29 June 2021 shir ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka dalka. #Somalia #DoorashoiyoDaahfurnaan pic.twitter.com/UMjrLBHoZT
— SomaliPM (@SomaliPM) June 29, 2021