7th February 2025  admin  Category :

Siyaasadda Jubbland iyo Puntland ma dhaafsiisna miyaa inay Farmaajo u Curyaamiyaan HAG.

In badan oo ka mid ah Bulshada ku nool maamulada Jubbaland iyo Puntland ama dadka ka soo jeeda beesha Daarood ayaa diidanaa sida uu madaxweyne Farmaajo dalka ku hogaaminyo iyo cunaqabtayanta uu ku hayo degaanada Beeshaasi ay degto guud ahaan.

Diidmadan iyo mucaaradnimada ay muujiyeen shacabku oo ay ku doonayeen in Farmaajo isbedel la yimado ayaa waxa afduubtay madaxdii maamul goboleedyadaas sida Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Madaxdan ayaa noqday kuwa lugaha jiida Farmaajo si ay fursad u siiyaan siyaasiyiinta Isaaq iyo Hawiye. Mararka qaarkood ma qarsan ujeedadooda oo mar uu Deni la hadlayey warbaahinta wuxuu sheegay ” Haddii aanu Somaliland u hadlin yaa u hadlaya. Soomaalilandta u sheegayey inuu afhayeen u yahay waa tan maanta in badan oo ka mid ah degaamada uu sheegto inuu madax ka yahay weerarka ku ah, sida muuqatana ay dhiiro geli ka heleen hadalkiisa.

Dhabar jebinta Puntland ee lugaha loo qabtay Farmaajo siyaasiyiinta Muqdisho iyo Hargaysa, waxay maanta keentay in inta badan beelaha 3.5 ay ka shirayaan sidii ay Soomaaliya u hogaamin lahaayeen, ama waxay u dabaal degayaa oo isugu hambalyeeynayaan Doorashada Isaaqland ee la doonayo in Dhulbahante iyo Warsangeli xoog lagu kaxaysto.

Halka Beesha Raxanweyn iyo Hawiye ay shirar ku leeyihiin Muqdisho, Isaaqna ay doorasho ku jiraan, Khadiijo Diiriye kooxdeeduna ama beelaha laga tirada badan yahay ay u dabaal degayaan doorashada Hargaysa, beesha Daarood, iyagu waxy guul u arkaan in Farmaajo qol lagu soo xiray oo Sheekh Shariif iy Culusoow ay si dadban dalka u hogaaminayaa hadda, kuna guulaysan doonaan doorashada soo socota, oo ay beesha Daaroodgaar ahaan Ogaadeen iyo Majeerteen u magcaabi doonaan Raisul wasaare.

Ugu danbayntii sida muuqata siyaasadda Puntland iyo Jubbaland ma dhaafsiisanayn sidii Hawiye Action Group loogu curyaamin lahaa Farmaajo oo iyaga loogala shaqayn lahaa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada soo socota

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*