23rd November 2024 admin Category :
Caasha Axmed Cabdale iyo beesha Isaaq oo ku wada tartamaya Xildhibaankii Aqalka sare ee gobolka Sanaag
Dhowaan markii madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wasiirada federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ay ku dhawaaqeen inay hadda wixii ka danbeeya ay Soomaali inteeda kale ay wax kula qaybsan doonaan Waqooyi iyo Koonfur. Waxay taasi keentay in Soomaali inteeda kale oo dhami ay arintaas ka caroodaan oo ay meel uga soo wada jeestaan, si ay marnaba suurta gal u noqon xulafaysigan siyaasadeed, iyaga oo ay ka mid ahayeen dadka diidamadan ka hor keenay beesha Daaroodka intooda kale. Waana sababta ilaa hadda looga hadli la’yahay halka ay ku maqan yihiin sadexddii Xildhibaan ee aqalka sare ee ka maqnaa Gobolada Sool iyo Sanaag
Siyaasadda reer waqooyinamada ee lagu deg degay waxay keentay in Sool iyo Sanaag mar labaad cidl’a ku soo dhacaan iyo wax la’aan
Siyaasiyiintii beesha Isaaq ee danaystayaasha ahaa oo ree woqooyinamddu ayna ka dhabta ahayn markii horeba , hase ahaatee ku Awkacsanaayey siyaasiyiinta Dhulbahante iyo Warsangeli , ayaa markii ay arkeen in Siyaasiyaasiyiintii Soomaaliyeed oo dhami ay dhabarka u jeediyeen Sool iyo Sanaag , bulshada caalamkuna ay difaacan wayday dhowr iyo labaatankii kursi ay warmurtiyeedka ka soo saareen in doorashadooda dib loogu noqdo ayaa waxay sameeyeen arintan :
Jaamac Qaalib, oo ah gudoomiyaha Doorooshinka gobolada waqooyi , ayaa maanta la kulmay madax Soomaaliyeed wuxuuna u sheegay in uu qaybiyey kuraastii Gobolada Waqooyi dhamaantood
Jaamac Yare ayaa madaxdan u sheegay in Gobolka Sanaag ay wada degaan beelaha Harti iyo Isaaq, sidaas awgeed ay wada tartamayaan labo nin oo ka soo wada jeeda beelaha Habarjeclo iyo Habar yoonis iyo Caasha Axmed Cabdale oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli.
Codaynta sadexda Qof lagu kala reebayo ayaa waxa codaynaya 42 qof oo ka soo wada jeeda Beesha Isaaq.
Caasha Axmed Cabdale, kursigan waxay ugu tartamaysaa iyada oo Somaliland ah . Lamana garano karo in Jaamac yare iyo Ismaaciil xaaji Nuur oo qaraabo iyo xidid dhow ay yihiin oo horay magaceeda ugu soo daray musharaxiinta waqooyiga Soomaaliya, inay ka caawin doonaan in Caasho ka guulaysato Musharaxiinta Habarjeclo iyo Habar Yoonis.
Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiiradda federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag ee looga baxay reer Waqooyinamddi, ayaa bulshada ku nool Sool iyo Sanaag ka sugaysaan halka ay ku jiheeyaan kurasta Aqalka sare ee ka maqan Sool iyo Sanaag
ALLSANAAG.COM