22nd October 2024  admin  Category :

Maxaa mar walba ka dhiga  ku xigeenaka HAG, Xerta Leelkase ee Galdogob.
10390485 318780304947037 5603125853675827797 n g

Ururka Hawiye Action Group (HAG), oo aan dan Soomaaliyeed marna ka shaqayn ama ka talin , ayaa mar kasta oo ay ururu ay Hunguri ku raadinayaan  doonayaan   in ay   samaystaan, waxay ku xigeen ka dhigtaan nin Xer ah oo ka soo jeeda degmada Galdogob.

Ururadii Hawiye Action Group, horay u samaysteen waxa ka mid ahaa:

1- Gudiga fulinta Maxaakiimta, ku xigeen waxay ka dhigteen nin ka soo jeeda  beesha Leelkase, Gudoomiyaha xiligaas maxaakiimta ee fulinta  wiilkiisu maanta waa gudoomiyaha ururka (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), waana kooxda hor boodaysa Hawiye Global Diaspora

 

2 -(the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS), ku xigeen waxay ka dhigteen nin ka soo jeeda beesha Leelkase

3- SOMALI GLOBOL DIASPORA. Waa Urur cusub oo mar kale ku xigeenkiisu yahay nin ka soo jeeda Beesha Leelkase

 

Hoos ka akhriso maqaal hore oo aan ka qornayn . ninka hor boodaya SOMALI GLOBOL DIASPORA

 

 

 

Ninka Culusoow la taliya Aabihiis Waa madaxdii Maxaakiimta, Oday dhaqameed wax u ah Xaad ina adeerkiis waa Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere .

caynteEconomist1-330x293

Cabdi Caynte waxa uu ka soo jeeda Beesha Hawiye, Murursade. Aabihiis waa Yuusuf Cali Cayne wuxuu ka mid ahaa golihii sare ee Maxaakiimta,  sanadkii  2007, aabihiis wuxuu ka mid ahaa  gudiiga dhexe ee golaha Fulinta (ARS), sanadkii 2009 wuxuu kaloo  ka mid ahaa  shantii Boqol  oo inqilaabay dawladii  Cabdulaahi Yuusuf,  heshiiskii Jabuuti. Yuusuf Cali Caynte  wuxuu noqday Xildhibaan, hase ahaatee  xildhibaanadiisii  wuxuu waayey  markii saxiibkiis  Shekh Shraiif Axmed laga adkaaday dorashda .

Yuusuf Cali Caynte Maanta wuxuu hogaamiyaa urur xag jir ah (Majma Ulimadda Islaamka ee Soomaaliya), ka dib markii bishii sagaalaad ee sanadkii hore  uu dhintay hogaamiyihii hore ee ururkas  Allah ha u naxariistee Ahmed Abdi Diisow,
Cabdi caynti waxay qaraabo dhow  yihiin afhayeenka Alshabaab.
Cabdi Cayne waxa Oday Dhaqameed u ah Beeshiisa nabadoon Xasan Xaad.

Yusuf Cali caynte lacag ay dawlada Qadar siisay ayuu ugu furay wiilkiisa Urur u ololeeya Danta Beesha Hawiye.

wadaado

Hundreds of Somali Islamic scholars today [21 March] held a large gathering in Mogadishu to elect a new chairman of the Assembly of Muslim Scholars of Somalia to replace his predecessor who died recently. The meeting participants elected Shaykh Yusuf Ali Aynte.

heritage1

Cabd Yuusuf Caynte oo ah Madaxa hay’ad ama machad (Think-Tank)oo loogu magacdaray (the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) oo ah urur u ololeeaya danta Beesha Hawiye ayaa sheegay in ay madaxweyne Culusoow la taliyeen. hadaba maxay kula taliyeen.

Warbixinta jaraa’idka The Economista todobaadkan ka qortay Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay awood- yarida dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Culusoow iyo waliba sida ay qabaa’iilka Soomaaliyeed isha ugu hayaan bal inuu fulin doono hirgelinta nidaamkii Federaalka ee horey loogu heshiiyey.

Matt Bryden oo isagu kamid ah xubnaha jaraa’idka wareysiga siiyey ayaa sheegay in dowlada Federaalka aysan weli hirgelin dhamaan arrimihii muhiimka ahaa ee nidaamka Federaalka, wuxuuna sheegay in Soomalida u arkaan dowlada Xassan Shiikh Maxamuud mid aan rabin nidaamka Federaalka. Waxaa xusid mudan Matt Bryden wuxuu horey uga mid ahaan jiray guddiyadii Qaramada Midoobay ee xogta ka aruurin jiray xaalada Soomaaliya hadana wuxuu ka furtay Nairobi xafiis lagu magacaabo Sahan oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya.

Cabdi Caynte oo kamid ah xubnaha iyaguna wareysiga siiyey jariirada Economist ayaa ku dooday in warar badan oo been ah laga fidiyey dowlada Federaalka ee cusub, wuxuuna sheegay in hawl culus oo aan fududeyn hortaal dowlada Soomaaliya. Cabdi Caynte oo difaacaya Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan wadan wax “Qarsoon”.

Jariirada Economist ayaa qortay sidatan: Abdi Aynte, the head of the Heritage Institute, a think-tank based in Somalia, complains that too many conspiracy theories abound. The president has no hidden agenda, he says, and “an incredibly hard job”. Still, some of Mr Mohamud’s opponents in rival clans are still backing the Shabab, the armed Islamists linked to al-Qaeda that previously dominated the country, to destabilise him. In the past month, scores of people were killed in two Shabab suicide-attacks in Mogadishu.

Waxay sidoo kale arrintan muujineysaa dadka talooyinka siiya Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka dhaliilsan xukuumada sida ay u kala aragti fogyihiin dhinaca siyaasada.

Cabdi Caynte ayaa muuqata inay lataliyayaasha uu kamid yahay ay ku guuleysteen in uu Madaxweyne Xassan Shiikh fuliyo talooyinkooda kuwaasi oo kamid yihiin 2da qodob ee ugu muhiimsan;

1- In Wax laga bedalo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, isagoo qoraal dheer oo talo bixin ah oo uu Madaxweyne Xassan u qoray kula taliyey in Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan taageero ummada ka heysan isla markaana ay dusha ummada uga keeneen hogaamiyayaashii Dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

2- Taladiisa labaad ayaa ahayd in xilka Raysalwasaaraha uusoo magacaabayo uu noqdo mid awoodiisa ay kooban tahay oo aan faraha la gelin siyaasada sare ee dalka.

Cabdi Ceynte oo luuqada Ingiriiska warbixinadiisa ku qora ayaa qoraalkii uu talada kusiinayey Madaxweynaha Soomaaliya markii la doortay u qoray sidatan markuu ka hadlayey Arrimaha Federaalka iyo Nidaamka cusub:

Constitutional and governmental overhaul: the now defunct TFG had imposed a new ‘Draft Constitution’ on the Somali people with almost no public consultations. The document institutionalizes sectarianism, sets the country on the road to renewed, clan-based civil unrest and effectively puts the duly elected President on a collision course with his appointed future Prime Minister. The document grants oversized powers to an unelected Prime Minister over the elected president – a perennial source of infighting in the government. The ‘Constitution’ also creates a convoluted and unworkable federal structure for one of the most homogeneous and smallest countries (population wise) in Africa.

Dowladii hore ee dhacday Federaalka Kumeelgaarka ah, waxay ku khasabtay shacabka Soomaaliyeed Dastuurka Federaalka, iyadoo aan wax wadatashi ah kala yeelan ummada. Dastuurkan wuxuu horseedayaa Iskala-qeybsanaan, wuxuuna wadanka ku jiheenayaa wado cusub,oo keeni doona xiisado “Qabyaaladeed”. Wuxuuna ka dhigayaa Madaxweyne la doortay inay isku dhacaan Raysalwasaare uu isagu magacaabay. Wuxuuna qoraalkan awood dheeraad ah siinayaa Raysalwasaare aan la dooran oo ka awood bata Madaxweynihii la doortay. Waxay keenaysaa khilaaf hoose oo dowlada ah. Dastuurkan wuxuu sidoo kale keenayaa hab maamuleed aan shaqeyn doonin oo ah nidaam Federaal oo laga hirgeliyo wadanka ugu dadka yar Afrika ahna dad iskuwada midi ah (homogeneous)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*