18th December 2024  admin  Category :

Mareykanka oo sheegay inuu taageerayo doorashada Soomaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.

“Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra’isul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda Federalka ee ku aaddan dhameystirka heshiiska iyo kor kala socoshada hirgalinta howlaha doorashooyinka oo ay ku jirto diyaarinta amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

“Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorshada, loona billaabo dhaqangalinta wadashaqeyn daahfuran. Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka” ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka dowladda Mareykanka.

Golaha Shacabka shalay oo sabti aheyd kal laabtay go’aankii 12-kii April ay muddo laba sano ah ugu kordhiyeen hay’adaha dowladda Federaalka, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashada dalka.

Muddo kordhintan ayaa dhalisay muran siyaasadeed iyo cabsi dagaal, waxaana ka horyimid maamul Goboleeyada Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddoonka Aqalka Sare iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana markii dambe diidmada muddo kororosiga ku soo biiray madaxda maamul goboleeyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

https://t.co/KTpJwM4fpG?amp=1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*