19th May 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta 2000 kun ee Askari ee ka mushahaar qaata Puntland ay wax uga qaban waayeey Wiilasha ay SNM?

Bulshada gobolka Sanaag ayaa aad u soo dhoweeyey markii maamulka Puntland uu gobolkooda ka bilaabay tababar ciidan, una dhisay xero ciidan.

Bulshada gobolka Sanaag ayaa niyadda ku hayey in ciidankaasi noqon doono kuwa la dagaalama kana saari doona argagixisada arxaan laawayaasha ah ee Alshabaab buuraha Calmadow .

Sidoo kale bulshada gobolka Sanaag ayaa rajaynayey in ciidankan loo tabarayaa marka ay dhamaystaan tababarkooda inay la socon doonaan dhaq dhaqaqa maleeshiyaadka SNM, oo ah kuwa soo geliya argagixisada buuraha Cal madow.

Maanta rajaddii Bulshada degmada Badhameed ka qabeen ciidanka waxay noqotay mid quus ah , sababtoo ah koox laga soo diray maamulka Hargaysa oo la sheegay inuu madax u yahay nin lagu magcaabo Maxamuud Xaamud Cumar ,ayaa qas iyo fawdo ka wada magaaladaas.

Maalmo ka hor, kooxdan lagu soo dhex tuuray degmada oo laga harsan la’yahay ayaa xabadeeyey guri ku yaal degmada Badhan, sida ay ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen, intii ay falka argagixisnimada ah ay ku dhex jireen ayaa waxa ka dhacay telefoon ay wateen, waxaana gacanta ku dhigay telefoonkaas laamaha amniga ee degmada Badhan. Waa la ogaaday cidda leh oo waxa yeeshay Kooxdan Hargaysa laga soo diray ee loogu talo galay inay maqaalada qasaan.

Ugu danbayntii waa wax aan la qaadn karin iyada oo magaalada labo kun oo ciidanka Puntland ah ay joogaan in Bulshaddii ku noolayd degmada Badhan ay cabsi habeen walba ku seexdaan ama Dhufayso ka dhex samaystaan Guryahooda dexdoodaa. Nimanka magaalada sidaa u qasayaana ay yihiin tiro aad u yar oo saacdo yar xabsiga la wada dhgi karo.

Amini xumadan waxa kale oo sii xoojiyey Isimaddii degmada oo sida Isimada kale ee degaanada Soomaaliyeed ka hadli lahaa amni xumadan iyo alshababka dul jooga magaaladooda, ayaa shaqadoodii waxay noqotay sidii ay Xildhibaan uga ganacsan lahaayeen iyo jidka Hargaysa iyo Garowe in la sii hayo oo la ilaawo Bulshaddii ay sheeganayeen inay Isimo u yihiin.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*