20th December 2024  admin  Category :

Al-Shabaab oo Amrey in Xoolaha Gobolka Hiiraan aan laga dhoofin Bosaaso ee laga dhoofiyo Dekada Muqdisho

Al-Shabaab ayaa soo saaray war Ceeb iyo fadeexad ku ah Dowlada Federaalka oo ay ku cadeeyeen iney saameyn weyn ku leeyihiin Dekada Muqdisho.

Ganacsatada Xoolaha ka ganacsata ee Gobolka Hiiraan ayay ku amreen ineysan una beec geyn karin kana dhoofin karin Xoolohooda Dekadaha Puntland ama Soomaaliland, isla markaasna aysan ka iibin karin Ganacsatada Labadaas Maanul., Ganacsadihii ku xadgudba Amarkaan wuxuu bixinayaa Lacag Hanaan ah.

Al-Shabaab waxay si toosa u carabaabeen oo Amar ku bixiyeen in Xoolaha laga dhoofiyo Dekada Muqdisho.

Tani waxay cadeynaysaa in Dekada Muqdisho ay tahay mid ay Al-Shabaab gacan ku leeyihiin, isla markaasna Khidmad ku leeyihiin wixii ka dhoofa ama kasoo dega.

Dowlada Federaalka iyo Shirkada Turkiga ee Maamula Dekada Muqdisho kama aysan hadal Hadalka kasoo yeeray Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*