24th December 2024 admin Category :
Guddigii Doorashada oo ay SOOMAALIDU ku muransanayd ayaa Turkigu gooni ula sharay
Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya uu ka qaatay Guddoomiyaha Guddiyada lagu muaran yahay ee doorashooyinka heer Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin taageerada iyo boggaadinta Turkiga u muujiyay Guddiga doorashada ay magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo siweyn uga soo horjeedan Musharaxiinta.
Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, isla markaana masaafo simman u jirsado Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Musharaxiinta kale.AKHRISO
Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa loogu mahadceliyay taageerada joogtada ee dowladda Turkiga la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz ayaa shalay Xarunta Safaaradda Turkey ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.