25th October 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo la kulmay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland

Guddoomiyaha Gobolka Barri Mudane Cabdimsamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta xafiiska maamulka Gobolka Bari kulan kula qaatay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Mudane Siciid Cismaan Aadan.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxay uga wada hadleen shaqooyinka ay Wasaaraddu ka hayso Gobolka Barri sidii loo sii horumarin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa Wasiirka kala hadlay khasaarahii ay xoolaha iyo xoola-dhaqatadu saamaysay Dufaantii iyo roobabkii dhawaan Gobolka ka da’ay.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen bad qabka xoolaha nool ee hada ku sugan miyiga iyo magaalooyinka Gobolka Bari iyo sidii loogu gar-gaari lahaa dadka ay saamaysay duufaantu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*