26th November 2024 admin Category :
Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland Oo Qandala Ka Xoreeyey Daacish.
Kadib 35 maalmood oo Dacish haysatey degmada Qandala waxaa maanta gacanta kudhigay ciidanka dowladda Puntland iyadoona lasoo celiyey isgaarsiintii degmada.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xariirka caalamiga ah ee dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo ay hareer taaganayeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Taliyaasha ciidamada Difaaca ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in la jabiyey oo laga guuleystay kooxihii horey u qabsaday magaaladan.