25th December 2024 admin Category :
Mid ka mida ah Xildhibanada MUqdisho oo feeray Xildhibaan ka soo jeeda Baydhabo. labaduba waxay ka wada tirsan yihiin golaha wasiirada ama shaqaalaha madaxweyne Farmaajo
Sii-Hayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Axmed Amar Dambe iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta gacan ka hadal ku dhex maray shirkii golaha wasiirada.
Gacan ka hadalkan ayaa dhacay ka hor shirka Golaha Wasiirada inta aanu furmin, waxaana gacan ka hadalkan uu yimid kaddib markii ay ku murmeen arrin wasaaradda gaashaandhigga quseysa oo ay isku qabteen.
Ilo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in gacan ka hadalka uu bilaabay Wasiiru Dowlaha Mr Xagaa,Intaas kaddibna Wasiir Amar Dambe ayaa la sheegay inuu shirka isaga tagay.
Ma jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan gacan ka hadalkan maanta dhacay.