30th April 2024  admin  Category :

Beesha Hawiye ma iyagaa ku guulaystay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay?

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa lagu kala fikir duwan yahay sharaxaadiisa inuu ahaa dagaal sokeeye

Beesha Daarood, ayaa iyagu aaminsan in Koonfurta Soomaaliya aanu wax dagaal sokeeye ahi ka dhicin ee bulshaddii Daarood ee ku noolayd Koonfurta Soomaaliya qaarna la dilay intii soo hartayna laga soo barakiciyey Gobolka Banaadir ayuu ahaa halkii tirada ugu badnayd ay ka deganaayeen.

Beesha Hawiye, ayaa iyaguna qaba fikirkan mid ka duwan oo waxay aaminsan yihiin in Dawladdii Siyaad Bare ay ahayd dawlad Daarood, sidaas awgeed haddii ay dawladdasi meesha ka baxday inay iyagu Soomaali inteeda kale iyo Daaroodba ka guulaysteen, oo hadda Soomaali inteeda kale ay waxay doonaan u yeerin karaan, aana laga diidi karin

Fikirkan ay inta badan Siyaasiyiinta beesha Hawiye qabaan maanta, ayaa waxa sii xoojinaya labaatan sano ka hor doorashaddii Carte ee Jabuuti oo Lama nin oo ka soo wada jeeda beeshaas yiraahdeen noo kala codeeya qofka noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya.

Sanado ka dib, shirkii Qaahira ayaa sidan oo kale Ina Caydiid iyo Cali Mahadi yiraahdeen noogu kala codeeya Madaxweyne iyo Raisul wasaare.

Isla maanta siyaasiyiinta Hawiye, wax kasta oo siyaasad iyo dhaqaale ku doonayaan waxa dhinac socda inay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ku guulaysteen oo loo yeelo wax kasta oo ay doonayaan, Marna lama iman waxtanaasul ah sodonkaa sano.

Siyaasiyiinta Daarood, iyagu marna Miiska ma soo saarin haddii magaalada Muqdisho kumaakun qof oo Soomaaliyeed magac qabiil loogu dilay , ilaa maanta qaar ka mid ah hantidoodii xoog looga haysto caasimad Soomaaliyeed ma sii noqon karto ee ha laga dhigo meel kale , ayaa iyagii maalin walba si dagaalkii sokeye ee Soomaaliya looga adkaaday waxay raali ka yihiin oo ay qalinka ku duugaan shuruud ay siyaasiyiinta Hawiye hor keenaan.

Maanta waxaan maraynaa in Gobolada Sool iyo Sanaag loogu yeedho dhul lagu muran san yahay, Gobolka Banaadir beesha degtana ay rabaan todoba Xildhibaan oo kale oo ka soo jeeda beeshooda, haddii shalay Gobol iyo Nus ay Soomaali inteeda kale ku khasbeen inuu maamul goboleed noqdo maxaa diidaya ina 7 xildhibaan oo kale ay reerka Muqdisho degaa helaan.

Ugu danbayntii maanta Aallah ha u naxariistee Adan Gabyoow iyo Casharo ma noola oo shirkii Qaahira ka kacay markii dawladda Masar iyo USC ula yimaadeen sheeko jilicsan , oo diidmadoodii in Caydiid iyo Cali mahadi ay Soomaaliya ka noqdaan madaxda ugu saraysa ay markii danbe sabab u noqdo in Puntland la dhiso. Siyaasiyiinta Daarood ee maanta waa Farmaajo, Faroole, Macalimuu, Dhooba daareed, Ina Cali koore, Saadiq iyo Bidhaan. Meeshii Aadan Gabyoow maanta waxa jooga Oomar oo caruurtii iyo dumarkii ku xanuunsanaa Jubbaland inta uu cunaqabatayn diyaaradeed saaray ku faanaya, isaga oo raali gelinaya Daahir Jeesoow.

Mucaaradnimada Farmaajo ee beesha Daarood ee maanta laga yaabee inay guul dhalanteed ah ina siiso, laakiinse dhaliso in dib looga shalaayo, si taas looga hortago waa in la isticmaalaa siyaasad degan oo Soomaali oo dhan wax tari karta nimanka Hawiyana qamaamayana lagu joojiyo

ALLSANAAG.COM. NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*