30th April 2024  admin  Category :

Khayre ” Afartii sanoba hal mar ayaa doorasho dhacdaa, ee waa in Doorasho dhacdaa

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda, uuna ku dadaali doono sidii arrintaas loo fulin lahaa.

Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee shalay oo lagu qabtay qaab online ah, sida ay noo sheegeen dhowr wasiir oo kulanka ka qeyb galay.

“Laga billaabo maanta, waa inaan ka shaqeynaa ka xukuumad ahaan xaqiijinta doorsho ummadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon nabad ah, dadkuna ay qeyb ka noqdaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxa uu intaas ku daray in doorashada oo waqtigeeda ku dhacdaa ay ku jirto xasilloonida siyaasadeed ee dalka, oo haddii la waayo meesha ka bixi karta.

“In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” ayuu yiri Kheyre.

“Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.”

Hadalka Kheyre ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya inuu madaxweynaha kaga ra’yi duwan yahay in muddo kororsi la sameeyo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rumeysan in muddo kororsi kasta uu keeni karo in la magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo mucaaradka ka imanaya, si loogu qanciyo, taasina ay tahay sababta Kheyre u diidan yahay muddo kororsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*