25th October 2024  admin  Category :

Sacudi Carabiya oo ku dhowaaqday in bisha Ramadan aan lagu tukan doonin masaajidyada

Sacudi Carabiya oo ku dhowaaqday in Sacudi Carabiya oo ku dhowaaqday in bisha Ramadan aan lagu tukan doonin masaajidyada

Muftiga Sacudi Carabiya Sheekh CabdulCasis Aal Shiikh ayaa ku dhowaaqay in salaadaha bisha Ramadan iyo weliba Iidul Fitriga aan lagu tukan doonin masaajidyada.

Sheekh Cabdulcasis ayaa shaaciyay in muslimiintu ay ku tukan karaan salaadaha guryahooda maadaama uu jiro cudurka faafa ee coronavirus.

“Salaada Taraawiixda iyo tan Maqribkaba waa lagu tukan karaa guryaha haddii uu sii socdo cudurkan coronavirus,”ayuu yiri Sheekh Cabdulcasis Aala Sheekh.

Cudurka Coronaviruska ayaa saameyn weyn ku yeeshay caalamka,waxaana sidoo kale dhowaan ay ku dhowaaqeen guddiga maamula masjid Al Aqsa in la xirayo bisha Ramadan sababo la xiriira cudurka Coronaviruska.

https://www.arabnews.com/node/1660406

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*