25th October 2024  admin  Category :

Imaaraadka oo gargaar caafimaad ku wareejiyey Muqdisho

Diyaarad sida gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde.

Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO.

Diyaarada sida deeq qalab looga hortagayo cudurka Covid19 oo ay si wadajira usoo rareen hay, ada caafimaadka aduunka iyo Imaaraadka ayaa ka kooban:
20 tan waxaa lahaa WHO
7 tan waxaa lahaa Emirates

Waa gargaarkii ugu horreeyey ee ay Imaaraadku soo gaarsiiyaan Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe

http://www.wam.ae/ar/details/1395302836578?fbclid=IwAR0baFgxi1phE3pakICTV-Eyi33LrqmBJI6rR1RZLuKDySk3B4JtxxUYzso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*